Kooxo Hubaysan Oo Sarkaal Ka Tirsan Dawlada Hoose Ku Dilay Boosaaso

Bosaso-[Puntland Post]-Kooxo hubaysan ayaa saddex qof ku toogtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ka dib salaadii Duhur ee maanta oo Khamiis ah.

Weerarka ayaa ka dhacay Nawaaxiga Shirkaddii hore ee Netko oo ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Saddexda qof ee la toogtay ayaa mid ka mid ah uu ahaa Askari ka tirsanaa Ciidamada dawlada hoose ee magaalada Boosaaso, kaasi oo lau magacaabi jiray Kaarshe Hogan-diid, waxaana uu mar kaso noqday taliye ku xigeen Kaantaroolka magaalada Boosaaso.

Labada qof ee kale ayaa qaba dhaawac halis ah, halka Askarigu uu goobta ku dhintay, sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegen Warbaahinta Puntland Post waxaana labada qof la geeyay Cisbitaalka Boosaaso si loogu dabiibo xaladooda caafimaad.

Dilkan ayaa kuso aadaya xilli Boosaaso ay ka nasatay muddooyinkii ugu dambeeyay dilalkii qrshaysnaa ee ka dhici jiray magaalada.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay Mas’uuliyadda falkaan ka dhacay magaalada Boosaaso, walina War kama soo saarin Maamulka gobalka Bari iyo taliska Ciidamada Bosaso.