Daawo”Magaalada Boosaso oo Laga Taageeray Mamnuucista Shirkada DP World

Bosaso-[Puntland Post]-Magaaladda Boosaaso waxaa  lagu qabtay kulan lagu taageerayo go’aankii Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ay dekedaha Soomaaliya kaga mamnuuceen shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

Kullankan ayaa waxaa ka soo qayb galay nabadoono, siyaasiyiin, aqoonyahan iyo waxagard, waxayna fariin ugu direen maamulka iyo baarlamaanka Puntland inay ayaguna  aysan ka aamusin go’aanka baarlamaanka Soomaaliya uu ka gaaray shrikadda DP World.

Kulankan oo inta badan diirada lagu saarayey go,aanka Barlamaanka ayaa waxa la la isla qiraya in ayasan wax dan ah u wadan shirkada DP World dadka soomaliyeed.

Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin go’aanka ka soo baxay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Hoos ka Daawo Hadalada Nabadoonada gobalka Bari

Cabdiqani Boos 

Puntland Post-Bosaso