Mooshinkii ka dhanka ahaa Jawaari oo fashil ku dhamaaday kaddib markii ay ka laabteen…

Muqdisho (PP) ─ Warar hoose oo laga helay xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegaya inuu guul-dareystay isku daygii Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka ay mooshinka uga keeneen guddoomiye baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.

Wararka ayaa sheegaya in 16-xildhibaan oo ka tiransan kuwii mooshinkaan horay u saxiixay ay ka laabteen, tasoo keentay inay kusoo haraan illaa 91-xildhibaan, halkii laga doonayay 92-xildhibaan.

Dastuurka Somalia ayaa dhigaya in sxadex meelood hal meel ay soo gudbin karaan mooshinka ka dhan ah guddoomiye Jawaari, haddiise la waayo uu mooshinkaas noqonayo mid aanay waxba ka jirin.

Sidoo kale, Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xusay inuu fashilmay mooshinkii laga keenay Jawaari, kaddib markii tiradii loogu talo-galay ay ku buuxsami weyday, isla markaana shuruudihii looga baahnaa ku gudbi waayay

Dhanka kale, Xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Somalia ayaa weydiistay guddoomiye C/wali Ibraahim Muudey inuu soo bandhigo tirada rasmiga ah ee saxiixay mooshinka, si mooshinka u dhaqan galo, laakiin ma aanu soo bandhigin, isagoo ku adkeystay in tirada ay dhan tahay.

Ugu dambey, Baarlamanka Federaalka Somalia ayaa u muuqda in Qalalaase siyaasadeed uu dhexda u galay, iyadoo maalin ka hor la furay kal-fadhigii 3-aad ee Baarlamaanka.

PUNTLAND POST