TOOS: Khudbadda Madaxweynaha Somalia ee Furitaanka Kalfadhiga Baarlamaanka

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor-dhaw billaabay khudbad uu u jeedinayo xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Somalia, taasoo ku aadan furitaanka kal-fdhiyada aqallada baarlamaanka Somalia.

Farmaajo ayaa hadalkiisa ku billaabay inay u taagan yihiin mar walba sidii ay dalka iyo dadka ay uga difaaci lahaayeen Al-shabaab oo uu ku sheegay inay yihiin cadow dhibaato ku haya Soomaaliya oo dhan.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu khudbaddiisa ku sheegay inay ka go’an tahay inay difaaca dalka iyo dib u dhiskiisaba ku bixiyaan dhaqaale aad u badan, isla markaana ay ka hortagayaan wax walba oo dalka dhibaato u ah.

Dhanka kale, Wuxuu xusay inay soo dhaweynayaan cid walba oo Al-shabaab kasoo baxda, isagoo xusay in saraakiil badan oo kooxda Al-shabaab ka mid ah ay isku soo dhiibeen dowladda ayna haatan gacanta ku hayaan, cid walba oo isi soo dhiibtana ay daryeel u fidinayaan.

Wuxuu kaloo ka hadlay waxqabadka dowladda tan iyo markii la doortay, kuwasoo uu ka xusay dhimsaha ciidamada, soo wareejinta hawada Somalia iyo kuwo kale, isagoo xusay inay ka go’an tahay inay ilaali doonaan hawada, badda iyo barriga Sooomalayeed.

 

PUNTLAND POST