Kenya oo doonaysa inaan la dhimin tirada ciidamada AMISOM ee ka hawl-gala Somalia

Nairobi (PP) ─ Xukuumadda ayaa sheegtay inay Qaramada Midoobay ka dalbanayso inaan la dhimin ciidamada Midowga Afrika u jooga Somalia, taas oo ay ku sheegtay inay u wanaagsan tahay dhammaan waddamada gobolka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, Monica Juma ayaa ku dhawaaqday shalay in xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya uu muhiim u yahay barwaaqada iyo dhaqaalaha kobcaya ee waddamada gobolka oo dhan,  taasoo ay xustay inay tahay sababta ay u dalbanayno inaan ciidamada AMISOM la dhimin.

“Marka la eego arrintan, waxaanu la soconnaa in waddamada hawl-galkaan qaybta ka ah iyo Dowladda Federaalka Somalia inay weydiisteen QM in dib loo eego hawlgalka, isla markaana la dhimo, balse innagu waxaan arrintaas u aragnaa inay dib u soo celinayso hanjabaadihii Al-shabaab iyo in kooxdu ay baaqi kusii ahaanayso goobaha ay gacanta ku hayaan hadda,” ayay Juma ku sheegay hadalkeeda.

Kenya ayaa waxay ka mid tahay dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somalia, iyadoo kooxda Al-shabaab ay dalkaas ka geysatay weerarro ba’an oo ay ku jiraan weerarkii Jaamacadda Gaarsia iyo weerarkii Suuqa Westgate Mall ee Nairobi, kuwaasoo ay ku dhinteen dad fara badan.

Sidoo kale, Wasiirradda oo jeedinaysay shirkeedii jaraa’id ee ugu horeeyay tan iyo markii loo magacaabay xilka, ayaa sheegay in horumarka, nabadda iyo xasilloonidu ay yihiin kuwo isku xiran, isla markaana loo baahan yahay in gobolka oo dhan ay isku kaashadaan xasilinta Soomaaliya.

Dhanka kale, Wasiirradda ayaa ka hadashay dadaal ay Kenya ugu jirto sidii ay uga mid noqon lahayd xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka oo ay sheegtay inay kaalin weyn ka qaadanayso horumarinta amaanka Qaaradda.

Ugu dambeyn, Monica Juma ayaa xustay in Kenya ay dadaal weyn u gelayso sidii ay uga mira-dhalin lahayd dalaalka ay ugu jirto ka mid noqonaysa UNSC iyo sidii ciidamada AMISOM ee Somalia ka hawlgalaya aan loo dhimi lahayn tiradooda.

PUNTLAND POST