Dowladd Qatar oo sheegtay inay xoojinayso taageerada ay siiso Shacabka Soomaaliyeed

Muqdisho (PP) ─ Dowladda Qatar ayaa ka sheegtay shirkii caalamiga ahaa ee looga hadlay abaaraha Somalia ee shalay lagu qabtay magaalada London, waxaana shirkan ay ka sheegeen xubnihii ka socday wadanka Qatar inaysan kala joojin doonin taageerada ay siiyaan walaalahooda Soomaaliyeed.

Wafdiga Qatar uga qaybgalay shirkan ayaa waxaa hoggaaminayay madaxa waaxda xiriirka caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Tariq al-Ansari, isagoo xusya inay qayb libaax ka qaadan doonaan caawinta dadka Soomaaliyeed ee laga cabsi-qabo inay abaaruhu saameyn ku yeeshaan.

“Somalia waxaan ku taageernay laga soo billaabo 2011-kii illaa 2018-kan lacag gaaraysa 385-Milyan oo Doollar iyo 200-Milyan oo doollar oo aanu u ballan-qaadnay dhammaadkii sannadkii hore ee 2017-ka,” ayuu shirka ka sheegay al-Ansari.

Agaasimuhu wuxuu xusay inaysan jirin cid ay taageerada ay siinayaan dadka iyo dowladda Soomaaliya u sii marsiiyaan, wuxuuna sheegay inaysan kaalmo u sii marsiin Somalia hay’adaha Qaramada Midoobay, sida UNSOM iyo kuwa kale ee Soomaaliya ka shaqeeya.

“Waxaa jira iskaashi labada waddan u dhexeeya, kaasoo aan Xukuumadda Somalia kaga caawinayno dib u habeynta ammaanka, sidoo kalena waxaa jira taageero 30-bas ah oo aan ku caawinayno waaxda gaadiidka dowladda Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku daray Tariq al-Ansari.

Dhanka kale, wuxuu xusay inay muhiim tahay in caalamku taageero xoogan la garab-istaago hawlgalka Midowga Afrika ee Somalia [AMISOM], taasoo uu ku tilmaamay inuu yahay hawlgal qayb ka qaadanaya sugidda amniga guud ee Soomaaliya, si gargaarka bani’aadamnimo loo gaarsiiyo dadka u baahan.

Al-Ansari ayaa ugu baaqay dalalka deeqaha siiya Somalia inay sidoo kale ka geystaan gacan sidii loo xoojin lahaa hay’adaha kala duwan ee Dowladda si ay awood ugu yeelato xukuumadda jirta inay bulshadeeda u qabato hawlaha ay ka sugayaan.

Ugu dambeyn, Agaasimaha ayaan shirka kaga dhawaaqin wax dhaqaale ah oo ay Qatar ugu deeqayso dadaalka la doonayo in looga hortago Abaaraha laga baqdin qabo inay Somalia ku dhuftaan, kuwaasoo la sheegay in haddii aan laga hor-tegin ay sababi karaan macluul.

PUNTLAND POST