Xarunta Baarlamaanka Federaalka Somalia oo lagu dhisayo lacag gaaraysa $100 Milyan


Muqdisho (PP) ─
Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan [Jawaari] oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in dib u dhis lagu sameyn doono Aqalka Golaha Shacabka Soomaaliya.

Mudane Jawaari, ayaa sheegay in xarunta golaha shacabka ay tahay madal sharafeed ay ku shaqeeyaan xubnaha Baarlamaanka Somaliya, iyadoo ay ka muuqato bur-bur xooggan.

“Xarunta Baarlamaanka Federaalka waa guri sharaf leh, magaciisa waxaa la yiraahdaa Golaha Ummadda, wuxuuna mudan yahay inuu yeesho dhisme u dhigma maqaamkiisa oo magaalo-madaxda ka dhex-muuqda, lacag badan ayuu u baahan yahay, waxaa is weydiin leh sababta aan u dhex-fadhinno isaga oo jajaban,” ayuu yiri Jawaari.

Sidoo kale, Jawaari ayaa intaasi ku daray in Xikmaddu tahay in maadaama ay dadka burburiyeen ay ku waano qaataan, maalin kastana ay xusuus u noqoto marka ay burburkiisa arkaan, si aanan mar kale loo bur-burin, isagoo xusay in sida gurigaas uu u burburay, dadkuna maskaxdooda u burburtay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xusay in bilowga Sannadka soo socda ee 2019-ka dhisme lagu bilaabi doono xarunta Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

“Billwga Sannadka soo socda dumis ayaa lagu bilaabaa, lacag badan ayuu u baahan yahay, wajiga koowaad oo kaliya waa $60 milyan oo Doollar, todoba dabaq ayuu noqonayaa oo xildhibaan kasta uu xafiiskiisa gaar ah leeyahay, oo labada aqalba ay galayaan, shirarka adduunkana lagu qabanayo illaa 100 Milyan oo doollar waa gaarayaa, hadda ma hayno lacag, balse ALLE mahadiis Dowladda Turkiga ayaa ogolaatay in ay bixiso,” ayuu Jawaari hadalkiisa daba dhigay.

Ugu dambeyn, Xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya – ayay horay u sheegtay dowladda Turkiga inay dhisme cusub ka dhigayso, iyadoo aan weli la ogeyn sababta dib u dhigtay dhismiisa.

PUNTLAND POST