Shirka looga hadlayo Abaaraha Somalia ee London oo dhaqaale ugu yaboohay Somalia


London (PP) ─
Shir heer caalami ah oo looga hadlayo sidii Somalia looga caawin lahaa macluul laga baqdin qabo inay mar kale ku dhufato, waxaana shirkan wada-guddoominaya Dowladaha Britain iyo Soomaaliya.

Kulankan oo ay soo Agaasintay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UK, ayaa waxaa ka qayb-galaya waddamo ka mid ah kuwa deeqaha bixiya, ha’yado ka shaqeeya iyo hay’ado kale oo ay ku jirto Qaramada Midoobay.

Intuu kulanku socday ayaa waxaa lasoo saaray qoraan kooban oo lagu xusay in 2.7-milyan oo qof Somali ah ay u baahan yihiin gargaar deg-deg ah, haddii aanay helina ay dhici karto inay macluul u dhintaan.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in loo baahan yahay $1.5 bilyan si wax looga qabto khatarta dhanka abaaraha ee laga baqdin qabo in Somalia ay ku dhuftaan sannadkan, iyadoo la xusay inay imaan karo in malaayiin carruur ah ay ku dhacdo nafaqo-darro ba’an.

Dalka Britain oo shirkan soo qaban-qaabisay ayaa waxay sheegtay inay ugu deeqeen Soomaaliya lacag gaaraysa 24.6 milyan oo Giniga Ingiriiska ah, isla markaana looga gaarsiiyo Somalia dhammaadka bishan, si wax looga qabto xaaladaha bani’aadamnimo ee Soomaaliya.

Lacagta ay ku deeqday Britain ayaa la sheegay in wax looga qaban doono; 54,000 oo caruur ah oo ay nafaqo-darro hayso, 157,480 qof oo u baahan gar-gaar deg-deg ah oo dhanka biyaha ah, 400,000 oo u baahan gar-gaar caafimaad oo dhaqso ah iyo sidoo kale 212,315 carurur ah oo dhibaatooyin kala duwan haystaan iyo 53,300 oo hooyooyin ah oo uur leh, si daryeello caafimaad ay u helaan.

Dhanka kale, Dowladda Britain ayaa sheegtay in dhaqaalahan la sii marinayo hay’adaha WFP iyo UNICEF oo Qaramada Midoobay ka tirsan iyo Sidoo kale hay’adda NRC ee dalka Norway laga leeyahay oo shalay ku dhawaaqday inay dhici karto in macluul ay ka dillaacdo Soomaaliya sannadkan, haddii aan wax laga qaban abaaro laga baqdin qabo inay ku dhuftaan Somalia.

Ugu dambeyn, Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ah ee Britain oo isagana shirk aka hadlay ayaa sheegay in aysan fari ka qodnayn, isagoo ugu baaqay caalamka in wax laga qabto dhibaatooyinka dhanka abaaraha ee soo laalaabtay ee Somalia ka taagan.

PUNTLAND POST