Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka DF oo si adag uga hadlay Heshiiskii Dekedda Berbera


Muqdisho (PP) ─
Iydoo uu taagan yahay murankii ka dhashay heshiis ay dhawaan kala saxiixdeen Itoobiya, Somaliand iyo Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, kuna aadanaa Dekedda Berbera, ayaa waxaa ka hadlay xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen [Odawaa].

Xildhibaan ayaa sheegay in Midnimada iyo Madax-bannaanida Soomaaliya ay tahay muqadas ‘lama taabtaan ah’, isla markaana aan loo dul-qaadan karin xad-gudubka midnimada iyo madax-bannaanida Somalia.

Mudane Odowaa ayaa hadalkiisan wuxuu kaga jawaabayay hadalkii kasoo yeeray Madaxa shirkadda DP World eek u saabsanaa in Dowladda Federaalka Spmalia aysan waxba ka khuseyn Somaliland, isla markaana aanay shaqo ku lahayn, waxna ka sameyn karin heshiiska Dekadda Berbera ee ay la galeen Somaliland.

“Heshiiskii dekadda Berbera ee lagu saxiixay Imaaraadka Cadrabta, wuxuu xad-gudub ku yahay Maamulka Somaliland oo Dekaddii ay maamulayeen ka qaatay saami dhan 30%, intii kalana u ogolaaday Dalal shisheeye,” ayuu yiri xildhibnaan Odawaa.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa Talooyin u jeediyay Xukuumadda Somalia, kuwaas oo uu sheegay inay tahay in xukuumaddu ay si dhaqso ah u qaado ama ay muujinayso tunno la qabo oo ah inay iyaduna qayb ka tahay.

Talooyinka uu xildhibaanku soo jeediyay ayaa waxay kala yihiin;

  1. In loo yeero safiirka UAE u fadhiya Soomaaliya lagana waraystaa mawqifkooda ku aaddan midnimada Soomaaliya.
  2. In dhammaan heshiisyada DP World ee Soomaaliya la joojiyaa sida kan Berbera iyo Bosaaso (maaddaama aysan oggolaan xukumadda Federaalka ah, barlamaankuna uusan ansixin labada heshiisba).
  3. Haddii aysan xukuumaddu qaadin tallaabooyin cad cad oo aan aheyn baaq kaliya, waxaan u qaadanaynaa in ay arrimahan wax ka og tahay, kumana filla baaq oo kaliya.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Somalia ayaa dhawaan si kulul uga jawaabtay heshiiskaas oo dhigaya in saami ay ku yeelato Itoobiya, kaasoo gaaraya 19%, waxaana sidoo kale shirkadda DP World ay qaadatay 51%, halka ay Somaliland ka heshay 30%.

PUNTLAND POST