Ku-xigeenka Hawl-galka AMISOM oo booqday Askar ku Dhaawacmay Weerarkii Al-shabaab

Muqdisho (PP) ─ Taliska AMISOM ayaa shaaciyay in ku-xigeenka Madaxa Hawl-galka Afrika ee Somalia (AMISOM), Simon Mulongo uu booqday askar dhaawac ka soo gaaray weerarkii argagixisada ahaa ee maalinta Jimcaha ka dhacay gobolka Shabeellada Dhexe, sida ay shaacisay AMISOM.

Askar dhaawaca gaartay oo lagu dabiibay Isbitaalka Heerka 2-aad ee AMISOM, ayaa ka mid ahaa kolonyo gaadiid rayid ah oo gargaar bani’aaddinimo ka soo qaaday Muqdisho una waday Jowhar. Ciidamada ayaa iska caabbiyay argagixisay oo miinooyin ku aasay waddada, kuwaas oo waxyeeleeyay baabuurta gaashaaman iyo seddax baabuur oo rayid ah.

Mudane Mulongo oo sidoo kale ah ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya oo ka hadlay isbitaalka ayaa askarta ku aammaanay geesinimada ay isaga celiyeen dadkii ku soo qaaday weerarka, asaga oo caafimaad degdeg ah u rajeeyay. “Waxaan u nimid in aan ogaanno xaaladda askarteenna ee ku dhaawacmay weerar gaadmo ah ay ku soo qaadeen argagixisada. Sidaad u jeeddaanba, seddax ka mid ah waxaa gaaray dhaawacyo, marka waxaa aan halkan u nimid in aan xaaladdooda la soconno,” ayuu yiri.

Kaddib markii uu dhacay weerarka, waxaa isla markiiba goobta loo diray cutubka dib u soo kabsashada si ay u qaadaan howlgal nadiifin ah iyo soo celin.

“Sidaad arkeysaanba, seddaxdaas (askar oo dhaawacmay) waa ay fiican yihiin. Dhaawacyo ayaa ka soo gaaray qaraxii miinooyinka lagu aasay waddada mar ay cunno u wadeen deegaannada HirShabeelle,” ayuu yiri Mulongo.

Ku-xigeenka Wakiilka Midowga Afrika oo uu wehelinayey Ku Xigeenka Taliyaha Ciidamada AMISOM u qaabilsan Howlgallada iyo Qorshaha, Sarreeye Gaas Charles Tai Gituai, iyo Madaxa Shaqaalaha ee Militariga ee AMISOM, Sarreeye Guuto Kittila Bulti Tadesse, ayaa kulan la yeeshay maamulka isbitaalka, kaddibna waxaa ay booqdeen xarunta si ay ugu kuurgalaan xaaladdeeda.

Mudane Mulongo ayaa sheegay in Howlgalka uu gacan ka geysan doono in uu wax ka qabto caqabadaha uu la kulmayo isbitaalka si sare loo qaado adeegyada loo fidiyo bukaannada.

“Jeneraallada waa ay ogaadeen caqabadahan waxaa ayna ballanqaadeen in ay tallaabo qaadaan, anagana haddaan nahay Xarunta Dhexe ee Howlgalka waanu taageereynaa taasi, si aan isbeddel u aragno. Waa in aan dacaytir ku sameyno, aanna qalabeyne oo aan ka dhigno Isbitaal Heerka 2-aad oo si buuxa u shaqeynaya si ay uga baahan yihiin heerarka QM,” ayuu yiri.

PUNTLAND POST