Baarlamaanka Itoobiya oo Meel-mariyay Xaaladdii Deg-degga ahayd ee lasoo Rogay

Addis Ababa (PP) ─ Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa ogolaaday xaaladii deg-degga ahayd ee lagu soo rogay dalkaas, kaddib markii uu xilkii iska casilay Ra’iisul wasaarihii hore, dalkaasna uu lugta la galay dibadbaxyo rabshado wata.

Xildhibaannada baarlamaanka Itoobiya ayaa la sheegay in saddex meelood laba meel ay cod ku ogolaadeen in waddankooda uu ku jiro xaaladda lagu soo rogay ee deg-degga ah, inta amniga dib u soo laabanayo.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in weli ay rabashado ka jiraan qaybo ka mid ah Itoobiya, waxaana lagu wadaa in xisbiga talada dalkaas haya uu soo magacaabo mas’uulkii bedeli lahaa Hailemariam Desalegn oo 15-kii bishii la soo dhaafay is-casilay.

Mudanayaasha taageeray xaaladda deg-degga ah ayaa waxay tiradoodu ahayd 395-xildhibaan, halka ay kasoo horjeesteen tallaabadan 80 mudane waxaana ka aamusay toddobana xildhibaan oo keliya.

Codeyntan oo dhacday Jimcihii lasoo dhaafay ayaa waxaa la sheegay inay dhaqan-gashay, balse mucaaradka dalkaas iyo xubno madasha joogay ayaa soo werinaya in xaaladdii deg-degga ah aanay sharci ahaan ansixmin, isla markaana aanay waxba ka jirin natiijada laga sii daayay warbaahinta.

Xubnaha mucaaradka ayaa sheegay in 98-xildhibaan ay maqnaayeen, kuwaas oo ay sheegeen in lagu darsaday tirada, iyagoo xusay in tani ay ka mid tahay khiyaanooyinka ay waddo xukuumadda Itoobiya oo ay sheegeen inay tahay mid awoodda maroorsatay.

Dhanka kale, Xildhibaannada kasoo jeeda Qowmiyadaha Amxaarada iyo Oromada ayaa la sheegay inay si weyn uga soo horjeesteen xaaladda deg-degga ah ee lagu soo rogay dalkaas, iyagoo ku andacoonaya in tallaabadan ay keeni karto dhiig badan oo daata iyo tacaddiyo dhan ka ah Xuquuqda aadanaha.

Ugu danbayntii, Dalka Itoobiya waxaa xilliyadii ugu dambeeyay ka taagnaa Qalalaase siyaasadeed oo mugdi galiyay Mustaqbalka Waddankaas; kaddib is-casilaaddii Ra’iisul Wasaarihii Itoobiya, waxaa dad badan saadaalinayaan in Ra’iisul Wasaare Qowmiyadda Oromada kasoo loo dhiibi talada Itoobiya.

PUNTLAND POST