RW KHAYRE: Heshiis kasta oo la galayo waxaa Go’aankeeda iska leh Dowladda Federaalka

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre oo Maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay kaga hadlay heshiiskii Dekedda Berbera ee ay Saamiga ku kala saxiixdeen Shirkadda DP World, Somaliland iyo Dowladda Itoobiya, iyadoo heshiiskan la saxiixay xilli Ra’iisul wasaraaha ku sugnaa Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in heshiiskaas aanay qeyb ka aheyn, lugna ku laheyn, isagoo xusay in mowqifka Dowladda Federaalka uu yahay midka ay soo saartay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya ee ay heshiiskaas ku tilmaamay inuu ahaa mid sharci-darro ah.

“Mowqifka Dowladda Somalia waa midka ku cad Warbixintii ay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Baddu soo saartay, heshiis walba masiiri ah oo la galayo, Deked ha ahaato ama Kheyraadka kale meel walba oo ay tahay waxaa u idman Dowladda Federaalka, Ansixintiisa waxaa leh Baarlamaanka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha  Somalia.

Sidoo kale, Wuxuu intaas ku daray. “Waxaa mar labaad hoosta ka xariiqayaa in shirkad walba oo dunida ah oo raba in dalkeena maal-gashadaan waa soo dhaweyneynaa, laakiinse waa in ay soo maraan daqriiqa dhabta hay’adaha Dastuuriga.”

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shirkad walba oo aan soo marin dariiqa sharciga ee ku soo Xad-gudba waddamada ay la Tiigsanayaan sharciga, isla markaana aanay marnaba aqbali doonin.

DHAGEYSO Shirkii Jaraa’id ee Ra’iisul Wasaaraha Somalia uu qabtay;

PUNTLAND POST