Askar badan oo ay khasaare kasoo gaartay Qaraxyo kala duwan oo lala beegsaday


Muqdisho (PP) ─
Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay in ka badan 20 kalena way ku dhaawacmeen weerar ismiidaamin ah iyo miino waddada dhinaceeda la geliay oo maanta lagu weeraray ciidan ka tirsan kuwa Dowladda Somalia ay ku leeyihiin degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Weerarka Ismiidaaminta ah oo ka dhacay saldhig ay ciidamadu ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sababay dhaawacyo iyo dhimasho fara badan, inkastoo saraakiisha ciidamadu ay ka gaabsadeen inay sheegaan tiradooda.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellada Hoose C/fataax Xaaji ayaa sheegay inay jiraan khasaarooyin badan balse aanay doonayn in saxaafada ay la wadaagaan wixii ka dhacay saldhigga.

“Qaraxa lala beegsaday saldhigga waxaa ku dhaawacmay lix askari, kuwaas oo dhaawacyadooda loo qaaday Muqdisho, balse waxaan idiin xaqiijinayaa in qof shacab ah aysan khasaare kasoo gaarin qaraxaan,” ayuu yiri Cabdifataax  Xaaji oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada Hoose.

Sidoo kale, C/fataax Xaaji ayaa intaas ku daray in khasaare badan oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay Qarax miino oo lala beegsaday gaadiidkii dhaawacyada u qaaday Muqdisho, kuwaasoo lagu weeraray inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

“Khasaare badan oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ayaa wuxuu ka dhashay miino lagu weeraray gaadiidkii dhaawacyada u qaaday Muqdisho, waxaana dhintay tiro askar ah, kuwo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray,” ayuu hadalkiisa ku daray C/fataax Xaaji.

Inkastoo uu ka meer-meeray inuu si dhab ah uga hadlo khasaaraha kasoo gaaray ciidamada dowladda Qaraxyadan, ayaa haddana ilo wareedyo kala duwan oo ka madax-bannaan kuwa maamulka waxay sheegeen inay arkeen dhimashada iyo dhaawac askar badan oo saldhigga ku sugnaa.

Ugu dambeyn, Weerarkan ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab, wuxuuna ka dhacay degmada Afgooye ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo weerar toos ah oo ay isla Al-shabaab ku qaadday maanta ciidammo ka tirsan AMISOM oo kusii jeeday Jowhar oo marayay dulleedka Balcad, isla markaana ay ku qabsadeen qaybo ka mid ah degmadaas.

PUNTLAND POST