Al-shabaab oo Qabsatay Xaafado ka tirsan Deg. Balcad iyo Gaadiid laga gubay AMISOM

Balcad (PP) ─ Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Xaaladda Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo inteed badan ay la Wareegeen xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Kooxdan ayaa la sheegay in intii aysan gudaha u gelin degmadaas weerarro ku qaadeen gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM oo marayay dulleedka degmadaas, iyadoo la sheegay in qaar ka mid  ah gaadiidkii ciidamadaas ay wateen la gubay.

Sdoo kale, waxaa la sheegay in kooxdu ay u suuro-gashay inay gacanta ku dhigaan gaadiid saad u waday ciidammo ka tisran kuwa Midowga Afrika oo ku sugan dulleedka degmada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-shabeelle oo Muqdisho 90-km kaga beegan dhanka Waqooyi.

Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaas lala beegsaday ciidamada AMISOM, ayaa haddana wararka hoose ee la helayo waxay sheegayaan inay la dilay ciidammo ka tirsan AMISOM kuwo kalena la geeyay iyagoo dhaawac ah deegaanka Qalimoow oo u dhexeeya Balcad iyo Jowhar.

Xoogagga Al-shababa ee la wareegay qaybo ka mid ah Balcad ayaa waxay qaateen wixii agab ah oo yaallay xarunta maamulka Degmadaas, waxayna ka sii daayeen xabsiga degmadaas maxaabiis ku xirnaa.

Dhanka kale, Waxaa la sheegayaa in Al-shabaab ay qaateen qalabkii ay ku howlgali jirtay Idaacad Maxalli ah oo ka hawl-galaysay Degmada, taasoo lagu magacaabo Radio Balcad.

Wararka ayaa intaas ku daraya inuu go’an yahay isku socodka waddamada dheer ee xiriirsa Muqdisho iyo Jowhar, iyadoo gaadiidkii Muqdiso ka tagay ay ku xanniban yihiin dulleedka degmadaas, halka kuwii ka yimid Jowhar ay ku xayiran yihiin iyaguna dulleedka fog ee degmadaas.

Ugu dambeyn, Maamulka Hir-shabelle ayaan weli ka hadlin weerarkaan, iyadoo weerarkan uu kusoo beegmayo xilli Waddamada ay ciidamada ka socda Midowga Afrika ee AMISOM ku shirsan yihiin Uganda, kana hadlaya sidii loo xoojin lahaa hawlgalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST