Madaafiic lagu duqeeyay Muqdisho iyo Qarax ka dhacay Siinka Dheer oo Sababay Dhimasho


Muqdisho (PP) ─
Ugu yaraan lix qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen hoobiyeyaal gellinkii dambe ee maanta ku dhacay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Madaafiicdan oo aan la ogeyn meel ay ka yimaadeen ayaa ku dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid – Gaar ahaan agagaarka Garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho oo saldhig u ah ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in illaa toban hoobiye ay kusoo dhaceen deegaannadaas, kuwasoo inta badan ku dhacay xaafado daris la ah Baar Ayaan oo ku yaalla Waddada Soddonka dhinaca Degmada Yaaqshiid.

“Hoobiyeyaal tiro ah ayaa xaafadda kusoo dhacay, waxaana ku dhintay inta aan ognahay lix qof, tiro intaas ka badanna way ku dhaacmeen, mana ogin cidda lagu weerarayay,” ayay yiraahdeen dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay.

Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay duqeyntan, waxaana goobtaas gaaray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia, kuwaasoo billaabay inay baaraan goobaha ay madaafiicdan ka yimaadeen iyo cidda ka dambeysa.

Dhanka kale, Qarax is-miidaamin ah oo lala eegtay ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia oo ku sugnaa bar koontarool oo ku taalla dulleedka Muqdisho, waxaana mas’uuliyaddiisa sheegatay  kooxda Al-shabaab.

Mas’uuliyiin la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkaas ay ka hor-tageen ciidamada, isla markaana khasaaraha uu geystay ay tahay mid aad u yar, xaaladduna ay hadda daggan tahay.

Sidoo kale, Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Siinka dheer oo ah halka uu Qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in gaariga uu dhibaato xooggan halkaas ka geystay ayna arkeen dhaawacyada saddex qof oo laba ka mid ah ay shacab ahaayeen.

Kooxda Al-shabaab oo ka hadashay Qaraxan ayaa sheegay inay la beegsatay ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia ayna ku dileen tiro askar ah oo halkaas ku sugnaa.

Ugu dambeyn, Weerarkan Ismiidaaminta ah iyo duqeymahan Muqdisho ka dhacay ayaa waxay kusoo beegmayaa iyadoo shalay Qaramada Midoobay ay ka digtay in laga yaabo inay Muqdisho ka dhacaan Qaraxyo ismiidaamin ah oo ay soo abaabushay Al-shabaab.

PUNTLAND POST