Dowladda iyo AMISOM oo ka Hadlay Dagaalka Al-shabaab iyo Askar lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Ciidamada Somalia iyo kuwa Midowga Afrika ee Somalia [AMISOM] ayaa wacad ku maray inay xoojinayaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka hawl-gasha Soomaaliya.

Ergayga Midowga Afrika ee Somaila, Danjire Francisco Madeira iyo wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa Wadajir uga sheegay kulan ay Muqdisho u yeesheen inay ka go’an tahay inay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan sidii loo ciribtiri lahaa kooxda Al-shabaab.

“Waxaan doonayaa inaan idiin xaqiijiyo in ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS oo wakiil ka ah taliska ciidamada dalka ku sugan oo dhan inay u midoobayaan sidii ay dalka uga sifeyn lahaayeen kooxda argagaxisada ha ee Al-shabaab,” ayuu Madeira u sheegay war-fidiyeenka.

Hadalkan ayaa imaanaya kaddib markii maalmo ka hor lagu dilay tiro 40-qof ka badan laba qarax oo ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo ay barbar-socdeen weerarro toos ah oo ay geysteen kooxo Al-shabaab ka tirsan.

“Dhammaanteen waxaan muujinaynaa sida aan uga xunnahay wixii dhacay oo dhan, waxaana naga go’an inaan xoogga saarnlo sidii aan waddanka oo dhan u xasilin lahayn, isla markaana aan uga adkaan lahayn cid walba oo dhibaato wada,” ayuu hadalkiisa ku daray Danjire Madeira.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia Cabdi Sabriye ayaa isna ku boorriyay dhammaan hay’adaha ammaanka iyo ciidamada qaybahooda kala duwan inay hadaf mideysan ka qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo uu ku eedeeyay inay dhibaatooyin ba’an ku hayso shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa soo hadal-qaaday dhacdadii ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM ay ku dileen askar ka tisran kuwa Dowladda Somalia ayuu ku tilmaamay fal six khalad ah u dhacay, isagoo sheegay in labada ciidan looga baahan yahay inay wax walba ka hormariyaan sidii cadowga looga adkaan lahaa.

“Run ahaantii falkaas wuxuu ahaa mid si khalad ah ku dhacay, waxaanan ku heshiinnay innaga iyo AMISOM in si wadajir ah aan u baarno dhacadadaas, isla markaana aan warbixin wadajir ah kasoo saarno,” ayuu wasiirku intaas ku daray.

Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia ayaa sheegay inay si aad ah ugu dadaalayaan inaysan soo noqon falalka noocan oo kale ah, laakiinse haddii ay soo laabtaan, waxaan ku heshiinnay inaan ka shaqeynno sidii loo xallin lahaa, si looga fogaado dhibaatooyin dhaca.

PUNTLAND POST