KENYA: Wasiir ka qayb-galay kulan looga hadlay Amniga Gobolka Waqooyi-bari Kenya

Wajeer (PP) ─ Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Fred Matiangi ayaa maanta kula kulmay saraakiisha ugu sarreysa amniga Gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya deegaan ku dhaw degmada Wajeer.

Mas’uulinyiintii ka qayb-galay kulanka waxaa ka mid ah isku-xiraha gobolka Woqooyi-bari – Kenya, Maxamuud Saalax.

Idaacadda Capital FM ee dalka Kenya ayaa ayaa baahisay in kulankan uu ka qayb-galay Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, isla markaana looga hadlay xasilloonidda gobolka iyo amniga xuduudaha, waxaa sidoo kale laga dooday dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Kooxo hubeysan o ka tirsan Al-shabaab ayaa weerarro ka geeystay Gobolka Waqooyi-bari Kenya, Waxaana ugu dambeeyay weerarkii ay macallimiintu ku dhinteen ee lagu qaaday iskuul ku yaalla is-maamulka Wajeer.

Sidoo kale, Idaacadda Capital FM ma aysan sheegin waxa shirkaan kasoo baxay, balse booqashada gobolka ee Fred Matiangi ayaa kusoo beegmaysa xilli dowladda Kenya ay hubeysay dadka deegaanka si ay ula dagaalamaan kooxda Al-shabaab.

Dhanka kale, Jah-wareerka amni ee gobolka ka tagaan waxaa sii adkeeyay markii ciidanak amaanka Kenya ay Toddobaadkii lasoo dhafay is-maamulka Isiolo ku qabteen gaari hub iyo qarax lagu raray oo ciidanka booliiska Kenya ay sheegeen inuu kusii jeeday Magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.

Ugu dambeyn, Ururka Al-shabaab oo adeegsanaya xoogaggiisa u dhashay dalka Kenya ayaa weerarro is-daba-joog ah ka geysanayay Kenya dhawrkii bilood ee lasoo dhaafay, weerarradaas oo geystay khasaarooyin kala duwan.

PUNTLAND POST