Uganda oo marti-gelinaysa Kulan ay isugu imaanayaan dalalka ay ka socdaan AMISOM

Kampala (PP) ─ Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni, ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu marti-gelinayo shir ay isugu imaanayaan madaxda dalalka ay ciidamada AMISOM ka socdaan, kaasoo dhici doona sida uu xusay 02-da bisha Maarso ee sannadkan.

Shirkaan ayaa daba socda shir lagu qabtay New York sannadkii hore, kaasoo lagu go’aamiyay in la is-dhaafsado Xogaha Ciidamada AMISOM iyo sida uu u socdo hawlgalkooda, si mar walba loola socdo halka ay wax marayaan.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa horay u meel-mariyay in la dhimo tirada ciidamada AMISOM ee Somalia ku sugan, isla markaana ay si tartiib-tartiib ah hawlaha sugidda amniga ula wareegaan Ciidanka Dowladda Federaalka Somalia.

Shirkan ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qayb-galaan dalalka deeqaha-bixiya iyo dowladda Somalia, si ay aragtiyadooda ugu daraan doodaha kulankan oo noqon doona kuwo intooda badan lagu soo qaadi doono hawlgalka AMISOM ee Somalia.

Dhanka kale, shirka lagu wado inuu Kampala ka dhaco ahaa wuxuu fursad u siinayaan madaxda ka Qayb-galaya in ay kaga doodaan halka ay marayaan hawl-gallada ka socda Somalia ee ay wadaan ciidamada Midowga Afrika iyo doorka ay ku leeyihiin dalalka Caalamka.

Wufuudda ka qayb-galaysa shirkan ayaa waxay ka imaan doonaan dhamaan dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somalia sida; Burundi, Ethiopia, Kenya iyo Jabuuti, sidoo kalena wafdi heer caalami ah oo ka socda dowladda Somalia ayaa shirkan ka qayb-geli doona.

Xubnaha beesha caalamka ee iyaguna shirkan ka qayb-geli doona ayaa ka kala imaan doona; Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo dalalka taageera hawlgalka AMISOM ee Somalia iyo waddamo kale.

Ugu dambeyn, Waxaa la filayaa in shirka qaybtiisa hore uu furmo Berri oo ah Arbaco kuna beegan 28-ka Feberaayo, 2018-ka oo ay kulmi doona Wasiirada Gaashaandhigga dalalka AMISOM, Sidoo kale, 01-da Maarso oo Khamiista ah ay iyadana kulmi doonaan Wasiirada Arrimaha Dibadda Wadamada AMISOM, halka maalinta xigtana ay kulmi doonaan madaxda dalalka ay ka socdaan ciidamada AMISOM.

PUNTLAND POST