Kulammo looga hadlayo Amniga oo Muqdisho ka socda kaddib Weerarradii Al-shabaab

Muqdisho (PP) ─ Wixii ka dambeeyay markii ay dhaceen weerarradii Al-shabaab ay toddobaadkan ka geysatay Muqdisho ayaa waxaa socday kulamo aan kala go’ lahayn, kuwaasoo u dhexeeyay madaxda sare ee Dowladda iyo hay’adaha ammaanka.

Weerarradii dhacay habeennimadii Jimihii ee lasoo dhaafay ayaa waxaa ku naf-waayay in ka badan 40-qof oo isugu jira shacab, askar iyo kooxihii soo qaaday weerarkan, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 60-qof oo kale.

Kulammadaan oo ayaa looga hadlayaa amaanka Muqdisho oo xilliyadii lasoo dhaafay soo hagaaraysay, iyadoo qodobbada aadka loo dooday ay ka mid yihiin sidii looga hor-tegi lahaa weerarrada ay Al-shabaab geysatay.

Saraakiisha kulammadan ka qayb-galaya ayaa waxay isku canaanteen sida ay ku dhacday in Al-shabaab ay Weerarro ka geysato Muqdisho, sidoo kale waxaa saraakiisha hay’adaha amniga la amray inay wax ka bedelaan sida uu yahay Amniga Muqdisho.

Mas’uuliyiinta ka hadlaya amni-xumada ka jirta Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah xildhibaannada baarlamanka, iyadoo guddiga ammaanka golaha shacabka ay shalay kulammo looga hadlay amniga la yeesheen madaxda hay’adaha ammaanka Qaranka.

Sidoo kale, Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa Rajo wanaagsan ka qaba in isbeddel deg-deg ah laga sameeyo amniga Caasimadda, Waxayna markaad la hadasho kuu sheegayaan in kulammadaan ay la mid yihiin kuwii la qabtay markii uu dhacay weerarkii Isgoyska Zope ee dhacay 14-kii bishii Oktoobar ee 2017-kii.

Kulammadii ugu dambeeyay ee Qabsoomay ayaa waxaa kasoo baxay in laga fuliyo Muqdisho hawl-gallo ay ku dhawaaqday dowladda Federaalka Somalia oo ka billowday Muqdisho, kuwaasoo laga fulin doono dhammaan qaybaha kala duwan ee Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, Shacabka Muqdisho oo wajahaya Xaalado adag oo dhinaca ammaanka ah, waxaana dowladda Somalia laga doonayaa inay isbedello la taaban karo la timaaddo, si shacabku ay amni u helaan.

PUNTLAND POST