Ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo u dhoofay Imaaraadka Carabta


Muqdisho (PP) ─
Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gellinkii dambe ee maanta ka dhoofay Muqdisho, iyagoo kusii jeeda waddanka isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Kheyre ayaa martiqaad ka helay Madaxda Imaaraadka Carabta, waxaana bil ka hor magaalada Davos ee Waddanka Switzerland isku arkeen Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Imaaraadka Carabta.

Socdaalka RW Khayre ee Imaaraadka Carabta oo todobaadyadii aynu kasoo gudubnay la hadal-hayay ayaa labo jeer dib u dhacay arrimo lagu sheegay kuwo farsamo iyo culeys Madaxtooyada uga imaanayay.

Warar Madaxtooyada Somalia ku dhaw ayaa sheegaya in safarka Ra’iisul Wasaare Khayre ay ku wehliyeen wasiiro iyo saraakiil ka tirsan Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa la kulmi doona Madaxda ugu sarreysa dalka Imaaraadka Carabta, isagoo kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal, waxaana dhowaan Madaxweyne Farmaajo, La-taliyihiisa Amniga iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda ay la kulmeen safiirka dalka Imaaraadka Carabta u fadhiya Muqdisho.

Ugu dambeyn, Xiriirka Madaxtooyada Somalia iyo dalka Imaaraadka Carabta ayaa mad-madow ku jiray tan iyo markii Dowladdu ka qaadatay khilaafka Khaliijka mowqif dhex-dhexaadnimo ah, balse waxaa loo arkayay mid u janjeerta dhanka Qatar.

PUNTLAND POST