DAAWO: Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo eedeyn kulul u jeediyay Dowladda Jabuuti

Hargeysa (PP) ─ Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland UCID, Inj. Faysal Cali Waraabe sheegay in Dowladda Jabuuti aysan raalli ka ahayn hormarka Somaliland, kana soo horjeedo horumarinta Imaaraadku ku sameynayo Dekadda Berbera.

“Waan ka naxay ninkaas ka hadlayay Jabuuti inuu yiraahdo horumarka Boosaaso iyo Berbera ayaa horumarkeennii waxyeelleysa oo aanu DP World kala wareegnay dekeddii Dooraale, naxdin ayaan ka qaaday, dal kasta xaq ayuu u leeyahay inuu horumar gaaro, balse in la yiraahdo horumarka dal kale – kaayaga ayuu waxyeelleynayaa waa waxaan adduunka lagu arag, dal aanu jaar nahay oo walaalo nahay oo waliba Madaxweynahooda aanu si aad ah u ammaano inuu warkaas kasoo yeero aa guul-darro aad u weyn” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe oo u waramay Telefishanka HCTV.

Sidoo kale, Inj. Faysal ayaa ku eedeeyay Dowladda Jabuuti inay caddow ku tahay horumarka Somaliland, wuxuuna nasiib-darro ku tilmaamay in Jabuuti ay ka xumaato heshiisyada shirkadda DP World ay ku hormarinayso dekedaha Boosaaso iyo Berbera.

“Wax kale ma ahane innaga ayaa la inaga arkay, waxayna shacabka Reer Somaliland ay ku noqonaysaa anfariir, Waxaana inoo cad in heshiisyadii ay xukuumadda Somaliland horay u gashay ay cadaawad badan noo abuureen. Haddaad Xamar tagto carruurta yar-yar ayaa lagu diray Imaaraadka oo la leeyahay Imaaraadka ayaa ina khiyaameeyay oo ina in-qilaabaya. Waxaas oo dhana waxaa loogu sheeganayaa maxaad Somaliland ula macaamishay,” ayuu hadalkiisa ku daray hoggaamiyaha mucaaradka Somaliland.

Ugu dabmeyn, Inj. Faysal Cali Waraabe ayaa difaacay heshiiska Somaliland iyo shirkadda DP World oo illaa hadda aan la ogeyn Qodobbadiisa iyo Waxa lagu heshiiyay, isla markaana isugu jira mid milateri iyo maamulka Dekadda Berbera.

PUNTLAND POST