Qaraxyo ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Rasaas Culus oo la Maqlayo

Muqdisho (PP) ─ Qaraxyo is-xigay ayaa goor-dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasoo mid ka mid ah uu ka dhacay agagaarka madaxtooyada Somalia, halkaasoo laga maqayo rasaas dhacaysa, waxaana cabsi xooggan laga dareemayaan agagaarka madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxa ka dhacay agagaarka madaxtooyada ayaan la ogeyn khasaaraha uu geystay iyo bartilmaameedkiisa, waxaana weli maqlayaa rasaas culus oo dhacaysa, waxaana xiran goobta uu qaraxan ka dhacay, waxaana goobta oo dhan ku sugan ciidammo fara badan oo kuwa Dowladda za tirsan.

Sidoo kale, Qarax labaad ayaa isla caawa ka dhacay Agagaarka dhismaha Wasaaradda Amniga Qaranka Somalia oo ku dhaw Hoteelka Jubba ee Muqdisho, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha uu geystay Qaraxan.

Inta badan Waddooyinka ku dhaw Madaxtooyada ayaa la xiray, iyadoo aanay jirin cid weli sheegatay mas’uuliyadda qaraxyada caawa dhacay, laakiinse inta badan qaraxyada ka dhaca Muqdisho waxaa sheegata Al-shbaaab.

Dhanka kale, Qaraxan ayaa imaanaya iyadoo shalay uu Wasiirka Amniga uu shalay sheegay in Muqdisho ay ka jiraan Qaraxyo, isla markaana laga baqdin qabo inay waxyeello geystaan.

Ugu dambeyn, Wixii faahfaahin ah ee kasoo kordha Qarxyadan Muqdisho ka dhacay caawa waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee Puntlandpost.com

PUNTLAND POST