Suuqa Bakaaraha oo weli xiran iyo Guddiga Joogta ah ee Baarlamanka oo lagu wado in…

Muqdisho (PP) ─ Waxaa maalintii labaad xiran Suuqa Bakaaraha oo ah kan ugu weyn Muqdisho, waxaana xirnaashihiisa ka dambeysa kaddib markii ay ganacsatadu sheegeen in Dowladda Federaalka Soomaliya ay kusoo rogtay canshuur aysan ka bixi karin.

Ganacsatada ayaa ku doodaysa in canshuurta iibka ay tahay in la qaado marka wax la kala iibsado oo badeecooyiinka la gado. Balse Dowladda Somalia iyadana dhankeeda sheegtay in canshuurta iibka ay tahay in la qaado marka ay badeecooyiinka dekadda ay ka soo degaan.

Dooddan taagan ayaa la filayaa in guddiyada baarlamaanaka Soomaaliya ay kulan ka yeeshaan si is-af-garad looga gaaro khliaafkan oo u muuqda mid siii xoogeysanaya.

Gudoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha, Xasan Mire Dhiif oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Dowladdu ay ku qaldan-tahay inay canshuurta iibka ka qaado alaab aan la iibin.

“Canshuuraha waxay kala leeyihiin mid bad iyo mid barri, midda badda waa in meeshseeda lagu qaadaa, canshuurta iibka sideeda-ba waa canshuur qofka ugu dambeeya ee shayga laga gado ku dhacda,” ayuu yiri Dhiif.

Balse, Wasiirka Maaliyadda Soomaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa isna wuxuu sheegay in gacansatada ay diidan yahiin bixinta canshuurta. Isagoo ku daray intaas in daruufo jira awgeed ay Dowladda Soomaaliya ay khasab ku tagay inay canshuurta ku qaaddo dekedda Muqdisho.

“Innagu ma diidanin canshuurta ayay leeyihiin, Laakiinse way diidan yihiin,” ayuu si kulul u yiri wasiirka oo is-weydiiyay inay ganacsatadu sheegyaan run iyo in kale, wuxuuse sheegay in qof looga baahan yahay inuu bixiyo wixii xaq ah oo lagu leeyahay.

Ugu dambeyn, Khilaafka ka dhashay canshuuraha ee u dhexeeya Dowladda FS yo Gancsatada ayaa maalmihii u dambeeyay xoogeysanayya, iyadoo ay taasi keentay in la xiro ganacsiyada qaybo ka mid ah suuqyada waaweyn ee Muqdisho sida Bakaaraha, lama oga xilliga ay dib u furmayaan.

PUNTLAND POST