Dadka ka ganacsada raashinka loogu deeqo Soomaaliya oo la amray in lasoo Xir-xiro

Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Caafimaadka Somalia, ayaa war qoraal ah oo ay maanta soo saartay ku caddeysay inay soo xaqiijisay in suuqyada Muqdisho lagu iibiyo cunnooyinka loogu talo-galay carruurta nafaqa-darradu hayso ee aan loogu talo-gelin in la iibiyo.

Qoraalka wasaaradda ayaa lagu xusay in cuntooyinka Gar-gaarka ah ee lagu soo arkay suuqyada Muqdisho ay ka mid yihiin Buskut, Saliid, Digir, Hadhuudh iyo mal-maatooyinka nafaqada leh ee RUSF iyo RUTF. Iyadoo ay wasaaraddu amar ku bixisay inay ciidamada amniga Somalia ay soo qabtaan shaqsiyaadka caadeystay inay iibiyaan cuntooyinka samafalka loo keenay dalka.

Dhanka kale, Iyadoo iibinta cunnooyinka gar-gaarka ay caadi ka tahay guud ahaan Muqdisho ayaa qoraalkan loo arkaa in Wasaaradda Caafimaadka ay u qaaday culeys ka yimid hay’adaha samafalka, kaddib warbixinno ay qaar ka mid ah warbaahinta caalamku baahisay.

Haddaba, AKHRISO Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka;

PUNTLAND POST