Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ka hadlay sababta keentay inuu maanta xilkiisii iska-casilo

Addis Ababa (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa iska casilay xilkii ra’iisul wasaarenimo iyo kii xisbiga uu ka tirsanaa, kaddib mrkii ay kordheen rabshadaha sannadaha ka socday dalka Itoobiya, kuwaas oo sababay khasaare nafeed oo aad u fara badan.

Is-casilaaddiisa ayaa kusoo beegmaysa iyadoo weli ay rabshado u dhexeeya xukuumadda iyo kooxo mucaarad ah ay ka socdaan dalkaas tan iyo 2015-kii, kuwaasoo geystay dhimashada boqolaal ruux oo shacab iyo ciidammo isugu jira.

Rabshadihii ugu dambeeyay ayaa lasoo sheegayaa inay sababeen geerida in ka badan 15-qof, kuwaasoo lagu dilay gobolka ugu weyn dalka Itoobiya ee Oromia, waxaana tani ay imaanaysaa kaddib markii dhawaan boqolaal ruux oo maxaabiis ah laga sii daayay xabsiga Itoobiya si rabshadaha loo hakiyo.

“Degenaasho la’aanta siyaasadeed iyo rabshadaha ka socda Itoobiya ayaa sababay dhimashada dad badan iyo barakaca kuwo kale,” ayuu Hailemariam ku yiri hadal uu ka jeediyay Telefishinka Qaranka dalkiisa Maanta oo Khamiis ah.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Qorshaha is-casilaadeyda waxay qayb ka tahay hannaanka dib u habeynta siyaasadda dalka, si waddanku u helo deggenaasho siyaasadeed iyo dimuqraadiyad.”

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ee xilka iska casilay, ayaa sheegay in xilka uu sii haynayo tan iyo inta xisbiga talada dalkaas haya ee EPDRF uu ka aqbalayo is-casilaaddiisa, lana soo magacaabayo ra’iisul wasaare cusub oo xilka kala wareega.

Dhanka kale, Rabshadaha ka socda Itoobiya ayaa sannadihii lasoo dhaafay si aad ah cirka isugu sii shareerayay, kuwaasoo keenay in xabisga la dhigo tiro badan oo siyaasiyiin ah, inkastoo qaarkood lasii daayay bishii lasoo dhaafay.

Ugu dambeyn, Hailemariam Desalegn ayaa xilka kala wareegay mas’uulkii ka horreeyay ee Meles Zenawi oo muddo xanuunsanayay, iyadoo wixii xiligaas ka dambeeyay ay kacsanayd siyaasadda gudaha Itoobiya.

PUNTLAND POST