Madaxweynaha Soomaaliya Maxammed Cabdullaahi Maxammed(Farmaajo) ayaa markii u horraysay ka hadlay dhiibistii Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ahaa sarkaal a tirsan Jabhadda ONLF,kaasoo bishii Agoosto ee sannadkii tegay ay dowladda Soomaaliya u gacan gelisay dalka Ethiopia.
Sarkaalka Ethiopia loo dhiibay ee Cabdikariin Qalbi-dhagax ayaa ka tirsanaa guddiga fulinta ONLF,isagoo horay uga mid ahaan jiray militariga Soomaaliya,islamarkaana ku dhaawacmay dagaal Ethiopia looga difaacayey degmada Galdogob ee gobolka Mudug,sida ay xaqiijisay jabhadda ONLF.
Dhiibista sarkaalkan ayaa waxaa ka dhashay caro ballaaran iyo cadaadis xukuumadda Farmaajo uga yimid shacabka Soomaaliyeed,waxaana madaxda dalka xilligaasi lagu eedeeyay khiyaano qaran,balse golaha xukuumadda Soomaaliya,ayaa muddo kadib go’aan ka soo saaray dhiibista Qalbi-dhagax,waxayna sheegeen in uu khatar ku ahaa amniga dalka Soomaaliya.
Dhinaca kale Baarlamanka Soomaaliya ayaa go’aan ka duwan kan xukuumadda xilligaasi ka soo saaray arrinta Qalbi-dhagax,isagoo sharci-darro ku tilmaamay dhiibista sarkaalkan,maadaama aysan Dastuurka dalka meelna kaga qornayn in qof Soomaali ah loo gacan geliyo dal kale.
Halkaan ka akhriso go’aankii Baarlamanka ee xilligaasi.
Haddaba Madaxweynaha Soomaaliya Maxammed Cabdullaahi Maxammed(Farmaajo) ayaa markii u horraysay muddo lix bilood ku dhow ka hadlay dhiibista Qalbi-dhagax,wuxuuna sheegay in go’aanka Baarlamanka Soomaaliya ka soo saaray arrintaas uu kama dambaysay yahay.
“Su’aashaasi runtii waa su’aal muhiim ah, waxaan ognahay in baarlamaanka ay ku sameeyeen dood, ayna kasoo saareen warbixin, ayna u codeeyeen, maxaa yeelay iyagu waxaa weeye, waa hay’adda ugu saraysa ee sharci dajinta, markay codeeyeene waxay gaareen go’aan, waxaan aaminsanahay in go’aankaasi uu yahay kama dambeys”,ayuu yiri Farmajo oo ka jawaabayey su’aal ay dhegaystayaashu weydiiiyeen xilli uu wareysi gaar ah siinayey BBC Somali.
Hadalka madaxweyne Farmaajo ayaa loo fasiran karaa in uu dhiibista Qalbi-dhagax ka aaminsanyahay sharci-darro,maadaama go’aanka Baarlamanka Soomaaliya sidaasi ahaa,isaguna uu haatan taageeray.
PUNTLAND POST