Doon ganacsi oo ku soo caarisay xeebta Boosaso

Bosaso[Puntland Post]-Doon u rarneynd Ganacsato Soomaaliyeed ayaa ku soo caarisay xeebta Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee Puntland.

Doonta ayaa ku dhex xumaatay badda dhaxdeeda, iyadoo xaaladeeda liidato ayeeyna soo gaartay Dakadda Magaalada Boosaaso, balse maamulka Dakadda Boosaaso (Dp World) ayeey Ganacsatadu ku eedeysay iney diiday in Doontaan ay ku xirato dakadda, waxayna ugu dambeyn sababtay Doonta inay ku caariso aaga Nekfish, halka loo yaqaan.

Wasiirka Wasarada Dekedaha, Gadiidka Bada iyo Ganacsatada ay Doonta u Raryanyd ayaa siyoobo kala duwan isugu dhaliilay Dayaca Caaritaanka Doontan oo Hanti Badan ay saarantahay

Siciid Maxamed Raage Wasiirka Wasarada Gadiidka Bada iyo Dakadaha ee Puntland ayaa Faah Faahin ka baxshay Xiliga ay ka war heleen Cilada doonta iyo sidey ula Tacaaleen, Wuxuuna Difaacay iney ka soo baxeen doorkiida ahaa Bad-baadinta Doontan ganacsi.

Ganacsade Cabdilaahi Maxamed Muuse ayaa dhankiisa Markale beeniyay in doontu shaqadii joojisay xili hore oo xalay Ah, Wuxuuna sheegay in falkan ay dowaldda ogeyd markii uu dhacayay, ayna la yaabeen sababta loogu diiday doonta iney ku xirato Gudaha dekedda weyn ee magaaladda Boosaso

Maahan Markii Ugu Horeysay ee Fal noocaan oo kala ah uu ka dhaco Aga-gaarka Xeebta Boosaso, Dhawaan ayeey aheyd markii Sidan oo kale ay u Caariday Dooni Ku soo wajahneyd Dekedda Boosaso oo ay u suurtagali weyday.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post-Bosaso