HRW oo Shaacisay in Kumannaan Soomaali ah ay ku Guryo-beeleen Xeryo la Bur-buriyay

Muqdisho (PP) ─ Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay soo saartay shalay ku sheegtay in kumannaan Somali ah ay ku guryo beeleen xeryihii ay deggenaayeen oo laga rararay. Haddaba, Warbixinta HRW ayaa waxay u qornayd sidan:

Xooggaga ammaanka Somalia oo adeegsanaya cagaf-cagafyo ayaa tan iyo dhammaadkii bishii Disembar ee 2017 waxa ay burburiyeen tobanaan xeryo aan rasmi ahayn oo ku yaal Muqdisho, waxaana sidaa ku guryo beelay kumannaan qof, sida ay maanta sheegtay hay’adda Human Rights Watch. Hay’adda ayaa qiimeyn ku samaysay sawirro dayax-gacmeed lagu qaaday kuwaasoo muujinaya in muddadii u dhexeysay 29-kii Disembar ilaa 19-kii Janaayo 2018 qiyaastii 3,000 oo guri la burburiyay ayadoo la adeegsanayo qalab culus.

17-kii bishaan Janaayo, wasiirka qorsheynta, maalgashiga iyo hormarinta ee Dowladda Federaalka Somalia Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ka jawaabay dhaleeceynta sii kordhaysa ee ay jeedinayaan hay’adaha gargaarka, waxaana uu shaaciyay in dowladda ay baaritaan ku samayn doonto raritaanka dadkaasi. Human Rights Watch ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay baaritaan lagu kalsoonaan karo ku samayso xooggaga ammaanka ee tacaddiyada ka geystay inta uu socday raritaanka qasabka ah.

“Dowladda Soomaaliya waa inay qaadataa mas’uuliyadda xoog ku raridda dadkaasi badan ee tabaalaysan, kana soo jeeda beelaha la gacan bidixeeyo,” ayay tiri Laetitia Bader oo ah cilmi-baare sare oo Human Rights Watch u qaabilsan Afrika. Waxa ay intaa ku dartay, “Baaritaan wax ku ool ah waa inay daba socdaan tallaabooyin muuqda oo lagu xaqiijinayo in raritaanka barakacayaasha ee mustaqbalka loo maro qaab sharci ah, qof kasta oo la rarayna la taakuulaynayo.”

Soomaaliya waxaa ku nool 2.1 milyan oo barakacayaasha gudaha ah, kala bar dadkaasina waxay kasoo carareen colaadaha iyo abaarta dalka ka dhacay sanadkii 2017 oo keliya. Dadkaasi badankood waxa ay ku nool yihiin xeryo aan rasmi ahayn oo ku yaal magaalooyinka waaweyn. Tan iyo 2011, Human Rights Watch waxa ay diiwaangelisay tacaddiyo ballaaran oo ka dhan ah dadka soo barakacay ee ku nool Muqdisho, kuwaasoo loo geystay dhibaatooyin ay ka mid yihiin raritaan qasab ah, xadgudubyo galmo, iyo fuquuq ku salaysan qabiil. Dowladda iyo kooxo gaar ah ayaa marar badan xoog ku raray dadkaasi barakacayaasha ah, kuwaasoo aan helin wax cadaalad ah. Hay’adda Norwegian Refugee Council (NRC) ayaa sanadkii 2017 diiwaangelisay in xoog lagu raray 153,000 oo qof.

HADDABA, RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISATO WARBIXINTA OO DHAN;

PUNTLAND POST