Doorashada Kursi ka dhinaa Baarlamaanka Somalia oo lagu soo Gaba-gabeeyay Jowhar

Jowhar (PP) ─ Waxaa Degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe lagu soo gunaanaday doorashada xlidhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka federaalka Somalia, kaasoo ay ku tartmeen lix musharrax.

Doorashadan oo billaabatay duhurnimadii maanta ayaa waxaa ku tartamay musharraxiinta kala ah;

  1. C/llaahi Maxamed Cali [Sanbaloolshe]
    2. Cali C/llaahi Cosoble Siyaad
    3. Daahir C/lle Cawaale,
    4. Nuur Iidow Beyle,
    5. Dahabo Xasan Axmed
    6. Xuseen Axmed Geelle.

Wareeggii koowaad ee doorashada waxaa isugu soo haray C/llaahi Maxamed Cali [Sanbaloolshe] oo helay 24 cod iyo Nuur Iidow Beyle oo helay 23 cod, sidoo kale waxaa hal cod Cali C/llaahi Cosoble, Waxaana xumaatay Saddex cod, ugu dambeyn waxaa wareega labaad u gudbay Sambaloolshe iyo Bayle.

Guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Marwo Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa ku dhawaaqday in kursigan uu ku guuleystay Nuur Iidow Beyle oo helay 27-cod, halka 24-cod helay C/llaahi Maxamed Cali [Sambalooshe].

Dhanka kale, Xarunta Doorashada ay ka dhacaysay waxaa goob-joog ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-shabeelle, Guddoomiyeyaasha Gobolka iyo Degmada, Mas’uuliyiin iyo xubno ka socda ururrada bulshada rayidka ah.

Madaxweynaha Hir-shabelle Maxamed Cabdi Waare iyo ku xigeenkiisa, Cali Xuseen Guud-laawe ayaa hoolka doorashada soo gaaray markii lasoo gaba-gabeeyay doorashada, laakiinse aan lagu dhawaaqin doorashada.

Ugu dambeyn, Doorashadan oo Maxkamadda sare ee Somalia ay sheegtay in aan la qaban doonin ayaa dhacday, iyadoo aysan jirin wax war ah oo kasoo baxay dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST