Maxkamadda sare oo diiddan qabsoomidda doorasho lagu wado inay berri ka dhacdo Jowhar

Muqdisho (PP) ─ Warar hoose oo laga helayo maxkamadda sare ee dalka ayaa xaqiijinaya in Maxkamaddu ay diiday doorashada kursi ka mid ahaa kuwa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Somalia, taasoo lagu wado in berri oo Axad ah ay ka dhacdo degmada Jowhar oo ah  xarunta Maamulka Hirshabelle.

Sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegaya in maxkamadda sare ay ku doodeysa in doorashadaan aysan u dhici karin labo arrin dartood oo kala ah:

Arrinta koowaad oo ah; In Guddiga doorashada madaxa-banaan inaanu xaq u lahayn qabashada doorashadan iyo inaysan kursigan u tartami karin shaqsiyaad horey ugu soo tartamay sida ku qoran qodobka 59-aad ee dastuurka dalka.

Dhanka kale, Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka, ayaa u sheegay iyaguna warbaahinta in guddiga uu ku adkeysanayo inay dhacdo doorashada.

Sidoo kale, Guddiga ayaa sheegaya in doorashadaani ay tahay mid dadban, maxkamaddana aanay wax shaqo ah ku lahayn, sidaa daraadeedna ay dhici doonto doorashadu maalinta berri ah.

Maxkamadda sare ayaa la filayaa inay maanta soo saarto go’aanno la xiriira doorashada berri ka dhici doonta degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ahna xarunta maamul-goboleedka Hirshabelle.

Doorashadan lagu muransan yahay qabsoomiddeeda ayaa waxaa u taagan lix musharrax oo uu ku jiro madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabelle iyo taliyahii hore ee Nabadsigudda Somalia.

Ugu dambeyn, Baarlamanka Federaalka Somalia ayaa horey u faray guddiga madaxa-bannaan ee doorashada Qaranka in ku amray in sida ugu dhaqsiyo badan ay kusoo dhameystiraan kuraasta ka bannaan baarlamaanka.

PUNTLAND POST