Wasiirka Arrimaha Dibadda DF oo kulankiisii ugu horreeyay la yeeshay Dhiggiisa Itoobiya

Addis Ababa (PP) ─ Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Axmed Ciise Cawad ayaa kulankiisii ugu horreeyay kula yeeshay Xarunta dalka Itoobiya ee Addis Ababa Dhiggiisa dalkaas, Workneh Gebeyehu, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee u dhexeeya labada waddan.

Danjire Cawad iyo Gebeyehu ayaa si qoto-dheer u Fallanqeeyay Arrimaha ammaanka, ganacsiga , maal-gashiga iyo suuro-galnimada xiriir furan oo u dhexeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kae, Waxaa lagu wadaa in bisha March ee sannadkan 2018 markii ugu horreysay labada dowladood ay yeeshaan guddi heer wasiir ah oo Qaadaa-dhiga halwo badan oo halbowle u noqon kara iskaashi sal adag oo labada dal ay yeeshaan.

Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Diabdda Somalia Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa xilka loo magacaabay horraantii bishan lagu jiro ee Jannaayo, kaddib markii xilka laga qaaday wasiirkii jagadan uga horreeyay Yuusuf Garaad Cumar Axmed.

PUNTLAND POST