Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo loo Magacaabay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somalia


Muqdisho (PP) ─
Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho waxaa loogu magacaabay C/raxmaan Cumar Cismaan (Inj. Yariisow) oo ahaa wasiirkii warfaafinta Soomaaliya.

Xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa laga qaaday Taabid Cabdi Maxamed oo dhawaanahan uu muran xooggan kala dhexeeya madaxda ugu sarreysa dalka.

Tallaabadan ayaa imaanaysa, kaddib markii xalay la sheegay in xilka muddo laba sano ah loogu kordhiyay Guddoomiyihii iyo Duqii xilka laga qaaday, isla markaana ay isla xalay ciidammo ka tirsan kuwa dowladdu la wareegeen xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in magacaabistan cusub ay ku timid kaddib markii uu Madaxweynuhu arkay soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, uuna dhageystay talooyinka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somalia ayaa magacaabay xilal kale oo isla maamulka gobolka Banaadir ah, waxaana xubnaha la magaacabay ay kala yihiin;

1. Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Amniga iyo Siyaasadda;

2. Xuseen Mohamed Nuur oo loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Maamulka iyo Maaliyadda;

3. Basma Cumar Axmed oo loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyi-gelinta;

4. Aadan Sheekh Cali Fiidoow oo loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud;

5. Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka oo loo magacaabay Cumar C/risaaq Xuseen

Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dhawaanahan uu jiray muran isi soo tarayay oo soo dhex-galay Madaxweynaha Somalia, Ra’iisl Wasaarihiisa oo dhinac ah iyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, kaas oo salka ku hayay muran ka dhashay Maqaamka ay Muqdisho yeelanayso.

PUNTLAND POST