Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Degmada Balanballe

Balanballe (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa gaaray Degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Safarka uu Farmaajo ku tagay Balanballe oo qayb ka ah socdaal uu ku kala bixinayo Gobolada dalka ayaa waxaa kusoo dhaweeyay boqolaal shacab ah kuwaasoo isugu soo baxay waddooyinka degmadaas.

Madaxweynaha Somalia ayaa waxaa safarkaan wehlinaya Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir iyo Mas’uuliyiin kale.

Dhanka kale, Waxaa lagu wadaa in Madaxweyne Farmaajo uu meel fagaare ah kula hadlo shacabka ku dhaqan degmada Balanballe, isagoo socdaalkan kaddibna tegi doona deegaanno kale oo Gobolka Galguduud ka tirsan.

PUNTLAND POST