AKHRISO: Maamulka Gobolka Banaadir oo soo saaray Qoraal ku aadan dhulka Dowladda

Muqdisho (PP) ─ Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray qoraal shalay kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Somalia, kaasoo looga hadlayay arrinta dhulka danta guud iyo ilaalinta hantida Qaranka.

Shir jaraa’id oo ay qabteen Guddoomiye ku-xigeenka dhanka hawlaha guud ee gobolka Banaadir iyo Waaxda Dhulka ee Dowladda Hoose ayaa lagu sheegay in war-saxaafadeedkii ka soo baxay Xafiiska madaxweyne Farmaajo uu xambaarsanaa ama si gaar ah tooshka ugu ifinayay habka loo maamulo dhulka Muqdisho, isla markaana nuxur ahaan laga dheegan karaa xaalado si gaar ah  loogu cambaareynayo maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Tallaabadan ayaa imaanaysa kaddib markii xalay Magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan looga hadlay Maqaamka Muqdisho iyo muranka u dhexeeya madaxda sare ee dalka iyo guddoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir.

Haddaba, Akhriso War-murtiyeedka kasoo baxay maamulka Gobolka Banaadir;

PUNTLAND POST