Mareykanka oo lagu eedeeyay inuu wado Qorshayaal uu ku abuurayo Kooxo Argagaxiso ah


Ankara (PP) ─
Dowladdaha qeybta ka ah isbahaysiga ku lugta ku leh dagaalka sokeeye ee dalka Suuriya ayaa kasoo horjeedsaday qorshe cusub oo uu Maraykanka ku doonayo in xudduuda Suuriya iyo Turkiga uga hirgaliyo ciidammo gaaraya 30 kun oo ka tirsan Kurdiyiinta, si baa la yiri ay amniga u sugaan.

Madaxweynaha Turkiga Rajeb Tayib Erdogan ayaa qorshahan ku tilmaamay mid argagixiso oo la doonayo in qalaanqal lagu galiyo amniga dalkiisa, wuxuuna wacad ku maray in uu hor istaagi doono qorshe kasta oo lagu tabobarayo ciidammadaas.

Dowladda Suuriya ayaa iyaduna qorshahan ku tilmaamtay weerar qaawan oo lagu soo qaaday dalkeeda, halka dowladda Ruushka ay ka digtay cawaaqib xumada ka dhalan karta.

Jabhadan Kurdiyiinta oo lagu magacaabo SDF ayaa qabsaday kumanaan kiilo mitir oo dhulka Suuriyada, iyaga oo ka qabsaday kooxda Daacish, waxayna gacan ka heleen duqeymaha Maraykanka.

Bishii Oktoobar ee sanadkii lasoo dhaafay waxa ay la wareegeen magaalada Raqa, wixii ka dambeeyayna waa ay isa sii balaarinayeen.

Isbahaysiga uu horkacayo Maraykanka ayaa sheegay in ciidammadan ay sugi doonaan amniga xuduudaha Suuriya ay la wadaagto Turkiga iyo Ciraaq, askartana ka koobanyihiin Kurdiyiinta iyo Carabta deegaanadaas degen.

Jabhadda Kurdiyiinta ayaa ku eg wabiga Furaat, iyada oo dhinaca kale ee wabiga ay ku suganyihiin ciidammada Suuriya ee Bashaar Al Asad.

Turkiga ayaa u arka in ciidammada Kurdiga ay xiriir la leeyihiin jabhadda dalkaas ka dagaalanta ee PKK oo iyadu raadinaysa xornimada.

Erdogan ayaa waxa uu sheegay in uu diyaariyay ciidammada dalkiisa, islamarkaasna ay weerar ku qaadi doonaan deegaanka Afrin oo Waqooyiga Suuriya ka tirsan.

Xigasho: BBC

PUNTLAND POST