Al-shabaab oo saakay qabsatay Daynuunaay iyo Maamuka Koonfur-galbeed oo ka hadlay

Baydhabo (PP) ─ Wararka ka imaanaya Gobolka Bay ayaa sheegaya inay saakay dagaal ku qabsadeen deegaanka Daynuunaay xoogag ka tirsan Al-shabaab, kaddib weerar ay la beegsdeen saldhig ay ciidamada dowladdu ku lahaayeen deegaankaas oo 25-km dhanka bari uga beegan Baydhabo oo ah xarunta Gobolka Bay.

Dagaal culus ayaa la sheegay inuu deegaankaas k dhacay, iyadoo aan weli la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka oo ay ku adkaatay ururka Al-sabaab oo muddo sannado ah isku dayayay inay awoodda ka tuurto dowladihii dalka soo maray.

Al-shabaab ayaa shabakado ay Internet-ka ku leedahay ku baahisay inay la wareegtay deegaanka Daynuunaay ee gobolka Bay, ayna khasaar xooggan u geysteen ciidamadii dowladda ee saldhigga deegaankaas ku sugnaa.

Dhanka kale, Maamulka Koonfur-galbeed Somalia oo iyaguna dagaalkaan ka hadlay ayaa sheegay inay iyagu weli gacanta ku hayaan deegaanka iyo sidoo kale saldhigga ciidamada ee halkaas ku yaalla.

“Xerada iyo deegaanka Daynuunaay labadana waxaa gacanta ku haysa DFS, inkastoo Al-shabaab ay soo weerartay saakay haddana waan iska caabinay,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Deynuunaay, Zakariye Xaaji oo la hadlay Warbaahinta.

Guddoomiye Zakariye oo aan sheegin halka uu ku sugan yahay ayaa xusay in ciidamada dowladda Somalia ay haatan baacsanayaan firxadkii Al-shabaab oo uu sheegay inay ku sugan yihiin deegaanka Low-guduud oo qiyaastii 8-km u jira Daynuunaay.

Ugu dambeyn, Kooxda Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore Weeraro noocan oo kale ah ku qaaday Deegaannada Gobolka Bay, Waxaana Daynuunaay oo ah deegaan muhiim ah uu u dhaxeeya Baydhabo iyo Buur-hakaba.

PUNTLAND POST