MADAXWEYNE FARMAAJO: Dowladda Somalia waxay dadaal dheer-gelisay xasillinta Galmudug

Gaalkacyo (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wadatashiyo la leh madaxda iyo qeybaha bulshada ee Galmudug ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ay go’antahay nabadeynta Galkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo munaasabad soo dhaweyn ah u sameeyey Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin socdaalka dib u heshiisiinta ee uu ku marayo Madaxweynahau Dowlad Gobolleedka Galmudug.

“Madaxweynaha inta uu nala joogay waxaan uga warbixinnay xaaladda guud ee gobollada, annagoona u gudbinay baahiyaha jira. Runtii muhiimad weyn ayuu noo leeyahay socdaalkaagu Mudane Madaxweyne,” ayuu yiri Xaaf.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad-celiyay shacabka iyo maamulka Galmudug soo dhaweynta qiimaha badan ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna sheegay in socdaalka uu ku marayo gobollada Galmudug uu yahay mid uu ku xoojinayo nabadda iyo is dhex-galka Bulshada.

“Maadama aan cidna kali noolaan Karin waa in dhammaanteen aan danta dalka u mideysannahay. Dowladda Federaalka ah waxay dadaal dheer gelisay xasillinta deegannada Galmudug iyo sidii aan u mideyn laheyn shacabka ku dhaqan,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa tilmaamay in heshiiska dhawaan lagu mideeyey dhinacyada Galmudug uu ka tarjumayo hiigsiga Dowladda Federaalka ah ee ku aaddan Galmudug oo xasilloon, dadkeeduna nabad iyo horumar gaareen.

Munaasabadda soo dhaweyn ah waxaa ka soo qeyb galey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Guddoomiye Kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmed, Wasiirro iyo xildhibaanno heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah, qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo ay wehelinayaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa marti qaad ugu sameeyey goob beer ah oo 45 Km ka jirta waqooyiga magaalada Gaalkacayo Islaan Bshiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaa marti qaadkan mid lamid ah u sameeyey Madaxweynaha iyo wafdigiisa Ugaas Maxamuud Ugaas C/qaadir.

PUNTLAND POST