Hay’adda Human Rights Watch oo sheegtay in Al-shabaab ay weli Askareynayso Carruur

Muqdisho (PP) ─ Warbixin ay soo saartay Hay’ada Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay sii joogteeyeen in ay awood ku askareynta carruurta, iyagoo bilihii lasoo dhaafay si awooda ah uga kexeysanayay ehelladooda.

HRW ayaa warbixinteeda ku xustay in Al-shabaab ay dhamaadkii bishii Sep. 2017-kii – ku amray odayaasha-dhaqan iyo macallimiinta dusgiysada diiniga ah ee ku yaala miyiga inay soo wareejiyaan boqollaal carruur ah oo da’doodu aysan ka weynayn 8-sano. Sidoo kalena, bilihii lasoo dhaafay ayay qoysas ku noolaa deegaanada ay Al-shabaab ka geysanayso kala soo baxsadeen  boqollaal caruur ah, si aanay kooxdu u askareyn.

Baare sare oo ka tirsan HRW oo lagu magacaabo, Letia Bader ayaa sheegay in si naxariis la’aan ah ay Al-shabaab u askareeyeen carruur ku nool miyiga, walidiintoodna waxaa lagu qasbay inay u adeegaan koxodaas.

Sidoo kale, Baaritaanka meelaha ay HRW ay ku samaysay waxaa ka mid ah 15-qoys oo ku nool saddex degmo oo kala ah; Bardaale, Baydhabo iyo Buur-hakabo, kuwaasoo dhammaantood ka tirsan gobolka Bay.

Odayaasha tuuloyinkan ayaa sheegay in bishii September ee sannadkii hore lagu amray inay tagaan deegaanka Buulo-folaay oo Al-shabaab maamulaan ayna wareejiyaan tobanneeyo caruur ah oo da’doodi u dhaxeysay sagaal ilaa 15-sano.

Mid ka mid ah dadka ku nool Bardaale ayaa sheegay inay u baahan yihiin wax ku taageera dagaalka, isagoo yiri. “Waxay nagula hadleen si hanjabaad ah, sidoo kale waxay naga doonayaan furayaasha ceelasheenna.”

Dhanka kale, Saddex ka mid ah dadkii HRW ay wareystay ayaa sheegay in odayaasha deegaanka ay Al-shabaab u geeyeen 50-carruur ah oo ay ku jirto gabar yar, kuwaasoo laga waday laba dugsi oo ku yaalla Degmada Buur-hakabo ee gobolka Bay, waxaana la geeyay Buulo-folaay oo goob-jogayaal ay sheegen inay tahay meel ay ku yaallaan dugsiyo diini ah iyo xarumo lagu tababaro carruurta.

Ugu dambeyn, Hay’adda HRW ayaa sheegtay inaysan helin caddeyn toos ah u muujinaysa in carruurta uu dhawaan kaxeystay ururka Al-Shabab si toos ah loo geeyay xeryaha tababarka ciidan, balse dadka ay waraysatay hay’adda ayaa marar badan muujiyay walaacaasi.

HADDABA HALKAN KA AKHRISO WARBIXINTA HAY’ADDA HRW OO DHAMEYSTIRAN;

PUNTLAND POST