Fanaanadii Khadiijo Cabdulaahi Daleys oo ku Geeriyootay Magaalada Toronto, Canada

Toronto (PP) ─ ALLAHA ha u raxmadee waxaa Waddanka Canada xalay ku Geeriyootay Fanaanadda Soomaaliyeed ee Khadiijo C/llaahi Daleys oo ka mid ahayd fanaaniintii Hoboladii Qaranka Soomaaliyeed ee Waaberi.

Marxuumad Khadiijo ayaa lagu xusuusan doonaa heeso caan baxay oo ay ku luuqysay. Iyadoo fanaanaddu ay muddooyinkii dambe ku Xanuunsaneysay, iyadoo ku geeriyootay isbitaal ku yaalla magaalada Toronto.

Khadiijo Cabdullaahi Daleys ayaa ahayd gabadhii ugu horreysey ee 1952-kii hees ka billowda Radio Mogadishu, waqtigaasoo aanay jirin Aaladda duubista, iyadoo heesaha ay ku luuqeyso ay si toos ah idaacadda uga bixi jireen. Sidoo kale, waxay ka mid ahayd gabdhihii ugu horreeyay ee Reer Koonfurka ah ee heesa.

Sidoo kale, Marxuumadda ayaa sannadkii 1936-dii ku dhalatay Baydhabo oo ah xarunta Gobolka Bay, waxayna ahayd Fannaanad waddani, iyadoo intii u dambeysay nolosheeda ku guubaabin jirtay shacabka Soomaaliyeed Midnimo iyo wadajir.

Dhanka kale, Fanaaniinaddan ayaa waxay ahayd fannaanadii qaaday heeso caan ah oo ay ka mid ahaayeen; ‘Hunnu-Hunnu hadal maaha’ iyo ‘Muruqiina Maala’ kuwaasoo ay ku guubaabin jirtay bulshada Soomaaliyeed si ay dalkooda wax uga qabsadaan, isla markaana ay u noqdaan dad dhiibfoon.

Ugu dambeyn, Marxuumad Khadiijo C/llaahi Dalays oo ku geeriyootay 82-jir ayaa geerideeda waxaa ka tacsiyeeyay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda federaalka Somalia, iyadoo aan la ogeyn halka lagu aasi doono.

DHAGEYSO: – MID KA MID AH HEESIHII AY KU CAAN-BAXDAY MARUUMAD DALEYS;

PUNTLAND POST