Madaxweynaha Mareykanka oo Dowladda Bakistaan ku eedeeyay Khiyaano iyo been

Washington (PP) ─ Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay Xukuumadda Pakistan inay khayaanayso Xukuumadda Washington oo siisa gargaarka ugu badan ee caaalmka la siiyo.

Trump aya qoraalkii ugu horreeyay ee sannadkan uu soo dhigay Twitter-kiisa ku sheegay in Dowladda Pakistan ay gabaad siinayo Kooxo uu ugu yeeray argagixisada ciidamada Mareykanka kula dagaalamaya dalka ay dariska yihiin ee Afghanistan.

Dowladda Pakistan ayaa hadalka Trump si caro leh uga jawaabtay, waxayna sheegtay in dhammaan deeqda la siiyo si fiican loo maareeyo Trump-na uu ka gubanayo jabka uu Maraykanku kala kulmay Afghanistan.

Sidoo kale, Maraykankan ayaa ka baaraan dagaya inuu xannibo in ka badan 250-milyan oo Dollar oo deeq ah oo Pakistan loo diri lahaa bisha Agoosto ee sannadkaan.

“Maraykanku si doqonimo ah ayuu Pakistan u siiyay in ka badan 33 bilyan oo doolar, 15-kii sano ee lasoo dhaafay, kamana aanan helin wax aan khiyaano ahayn oo ay u maleegayaan Mareykanka,” ayuu Trump oo intaas ku daray in Pakistan ay ka faa’iideysteen doqonnimadii madaxdii ka horreysay ee dalka Mareykanka.

Trump wuxuu hadalkiisa daba-dhigay. “Gabaad ayay siiyaan Argagixisada aan dalka Afghanistan ku ugaarsanayno, caawimaad yar ayaana ka helnaa” taasina ma sii jiri doonro.”

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Pakistan, Khawaja Asif ayaa Telefishinka Geo TV ee Pakistan u sheegay – Maraykanka waxaan horayba ugu wargalinay in aysan jirin wax dheeraad ah oon qabanayno, marka Trump dheeraadkiisu wax ahmiyad ah ma lahan.

Ugu dambeyn, Waddanka Pakistan waxay si cad Maraykanka ula wadaagtaa macluumaadkaste oo ku saabsan qaabka loo adeegsado deeqda Maraykanka laga helo.

PUNTLAND POST