C/RAXMAAN C/SHAKUR: Ma jirto dacwad sharci ah oo la ii haysto iyo cid aan Wakiishay

Muqdisho (PP) ─ C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa soo saaray War-saxaafadeed uu ku sheegay inaysan jirin dacwad sharci ah oo loo haysto, wuxuuna ku eedeeyay xeer-ilaaliyaha Qaranka inuu kusoo oogayo dacwad siyaasadeysan.

Qoraalkan ayaa kusoo beegmay maalin ka hor xilli ay maxkamadda racfanka Gobolka Banaadir u qabatay in la dhagaysto dacwada taasoo xeer-ilaalinta Qaranka racfaan ka qaadatay go’aankii uu horay ugu sii daayay garsooraha Maxkamada Gobolka Banaadir.

“Xeer-ilaaliyaha isagoo gacan ka helaya madaxda ugu sarreysa dalka oo adeegsanaya awoodda xafiisyadooda ayuu faro-gelin ku sameeyay garsoorka wuxuuna hor-istaagid ku sameeyay dhaqangalka go’aankii maxkamaddu ay soo saartay 21-kii bishii December ee 2017-kii.” ayuu Warsame ku sheegay qoraalka uu maanta soo saaray.

Sidoo kale, War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay weerar ay ciidamo ka tirsan amaanka ku qaadeen hoyga C/raxmaan C/shakuur 17-kii bishii hore, taasoo lagu dilay shan ruux oo uu sheegay inay ahaayeen ilaaladiisa.

Ugu dambeyn, C/raxmaan C/shakuur ayaa 21-kii bishii lasoo dhaafay wuxuu kalsoonida kala noqday saddex Qareen oo uu horay ugu wakiishay inay ka difaacaan dacawada, wuxuuna War-saxaafadeedkiisa ku xusay inaysan jirin cid uu u wakiishay inay dacwad ku metesho.

Haddaba, AKHRISO War-saxaafadeedka C/raxmaan C/shakuur Warsame;

PUNTLAND POST