Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia oo u yeeray Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhigga

Muqdisho (PP) ─ Kulankii Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia, ayaa maanta looga hadlay weerarkii lagu qaaday Guriga Cabdi Xasan Cawaale [Qaybdiid] oo ka tirsan golahaas.

Waxaa kulanka lagu dalbaday faahfaahin ku saabsan sida ay ku dhacday arrinta lagu weeraray guriga Cabdi Qaybdiid iyo cidda ka dambeysay, waxayna ku doodeen inaan lagu qanci karin in 40 askari oo loo soo xir-xiray weerarkaas.

Qoraalo lagu baahiyay baraha bulshada ee ay isticmaalaan warbaahinta qaar ka mid ah ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Aqlka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi uu dalbaday in la joojiyo mashaariicda ay Imaaraadka carabtu ka wadaan Soomaaliya.

Sidoo kale, Aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa u yeeray inay Golahaas ay hor-yimaadaan Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhigga Somalia Maxamed Abuukar Isloow iyo Mursal Maxamed Sheekh C/raxmaan.

Wasiirradan ayaa lagu wadaa in su’aalo laga weydiiyo weerarkii shalay lagu qaaday guriga Sen. Cabdi Qaybdiid oo ka tisran Aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia, isla markaana ah guddoomiyaha guddiga dastuurka ee labada aqal ee baarlamaanka Somalia.

Dhanka kale, Aqalka Sare ayaa u yeeray Taliyaha ciidamada Xoogga dalka si wax looga weydiiyo wixii ka dhacay guriga Cabdi Qeybdiid, kaasoo loo xiray tiro ka mid ah ciidamada Soomaaliya iyo sarkaal ka tisran Nabadsugidda DF.

Ugu dambeyn, Guriga Cabdi Qaybdiid ayaa shalay waxaa weeraray ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin kuwii ay tababartay Imaaraadka, kuwaasoo la sheegay inay dhibaatoooyin ka geysteen guriga Senator-ka oo murankiisu uu weli socdo.

PUNTLAND POST