Dowladda Somalia oo ka Hadashay Weerarkii lagu Qaaday Guriga Senator Cabdi Qaybdiid


Muqdisho (PP) ─
Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan [Yariisoow] ayaa ka hadlay weerarkii guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale [Qaybdiid] oo ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Somalia ay gudaha u galeen Duhurnimadii maanta.

Ciidamada galay guriga Cabdi Qaybdiid ayaa la sheegay inay baaritaanno ku sameeyeen qaybo ka mid ah guriga, inkastoo Senator Qaybdiid uu sheegay in qaybo ka mid ah gurigisa la burburiyay oo aanu garanayn sababtii lagu galay gurigiisa isagoo xasaanad leh.

Madaxweyne Farmaajo ayaa taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku amaray in baaritaan deg-deg ah uu ku sameeyo falkii hoyga Qeybdiid ay ku galeen ciidammo baaritaan ku sameeyay.

Twitter-ka Villa Somalia ayaa lagu soo qoray in si sharci darro ah lagu galay hoyga General Cabdi Qeybdiid, islamarkaana cid walbo oo ku lug yeelata lala tiigsan doono sharciga.

Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Yariisow], ayaa iagana bartiisa Facebook-ga ku qoray in Dowladda Somalia ay waddo baaritaan ku aaddan weerarkii ay maanta ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ku qaadeen hoyga Sen. Cabdi Xasan Cawaalwe [Qaybdiid].

Dhanka kale, Wuxuu sheegay in sharciga la horkeeni doono cid walbo oo ay ku cadaato inay falkaas ku lug leeyihiin, waliba sida ugu dhaqsiyaha badan.

“Dowladda Federaalka waxay waddaa baaritaan ku aadan sababta iyo ciddii ka dambeysay falkii lagu weeraray Guriga Senator Cabdi Qeybdiid, sharciga ayaana la horkeeni doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambeyn, Ciidammo ka tirsan kuwa Xoogga Dalka, gaar ahaan kuwa ay Tababartay Dowladda Imaaraadka ayaa maanta Weeraray hoyga Muqdisho uu ka dagan yahay Sen. Cabdi Qaybdiid.

PUNTLAND POST