Maxkamad Amar ku bixisay in Baarlamanka Dalkaas uu xilka ka Qaado Jacob Zuma

Johannesburg (PP) ─ Maxkamadda Dastuuriga Koonfur Afrika, ayaa maanta ku amartay baarlamaanka dalkaas inuu billaabo hab raaca xilka looga qaadi lahaa madaxweyne Jacob Zuma oo loo haysto dacwado la xiriira Musuq-maasuq.

Dacwadda waxaa maxkamadda geeyay Xisbiyadda Mucaaradka ah oo dhawr jeer isku dayay inay madaxweynaha kalsoonida kala laabtaan, laakiin waxaa ka tiro batay xildhibaannada xisbiga talada haya ee ANC oo Aqlabiyad ku leh baarlamaanka dalkaas.

Chris Jafta oo ah Garsooraha maxkamadda amarkan ridday ayaa sheegay in aysan Maxkamadda awood u lahayn inay baarlamaanka u yeeriso qaabka uu noqonayo habka ay tallaabada uga qaadayaan iyo inay ku qasabto in xilka laga qaado madaxweynaha.

Sidoo kale, Xaakimka guud ee Maxkamadda, Mogoeng Mogoeng oo isagana kasoo hor-jeedsaday Xukunka, ayna ka tiro bateen Codadka garsoorayaasha kale ee maxkamadda la fadhiyay ayaa xukunka ku tilmaamay Garsoor xadkiisii talaabay.

Wararka ayaa sheegaya in 15-milyan oo doollar oo ay dowladda leedahay in Zuma uu u isticmaalay Dayactirka iyo Qurxinta guri uu ku leeyahay Tuuladii uu ku dhashay ee Nkandala.

Dhanka kale, Bishii Maarso ee sannadkii hore 2016-ka, Maxkamaddan ayaa xukuntay in Jacob Zuma uu dib u gudo qayb ka mid ah lacagtii dowladda ee gurigiisa loo isticmaalay, wuxuuna madaxweynaha dib u bixiyay lacag dhan 631,000 oo doollar ah.

Jacob Zuma ayaa muddada xilkiisa wuxuu ku ekaa Sanadka 2019-ka oo ay ahayd in wixii xilligaas ka dambeeya la qabto doorasho lagu oo xulanayo madaxweynihii xilka ka beddeli lahaa.

Ugu dambeyn, Inkastoo uu marar badan oo hore ku guuleystay dacwado Maxkamaddo la hor keenay, haddana Zuma waxaa aad u soo kordhayay xukunnada lidka ku ah ee ay maxkamadaha dalkaas gaarayaan, bishan labo dacwadood oo musuq ah ayaa looga guuleystay hal maalin gudaheed.

PUNTLAND POST