Madaxweynaha Jubbaland oo Xaflad u sameeyay Xulka Kubadda Cagta ee Maamulka Jubbaland

Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Qado-sharaf u sameeyay shalay xulka kubada cagta Jubbaland ee dhawaan ku guulaystay koobka dowlad-goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ee ka dhacay Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa ku boorriyay cayaartooyda inay u diyaar-garooban Tartamada kale isla markana dhawaan ay bilaabi doonan hanan mushaar ay bil walba ku qaadan doonan isla markana dib u habayn lagu samayn doono xiriirka iyo dhamaan Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha si ay hawlaha dhalinyarada iyo Ciyaaraha la xiriira u noqdaan kuwo taaba gala.

“Ciyaarahu waxay noo yihiin hadaf guud marka arimaha Bulshada laga hadlayo waxaan doonaynaa in bil walba Ciyaartooyga kamidka ah Xulku uu helo mushaar ku filan,” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu cayaartooyda Jubbaland ku booriyay inay ka fogaadan qabyaaladda iyo is-kooxaysiga taasoo ka horimanaysa sababta cayaaraha iyo is dhexgalka Bulshada loo abuurayo.

“Qabiil iyo Kooxaysi shuqul kuma laha Ciyaaraha sidaas darteed waa in aan ka fogaana oo aan noqono Ciyaartooy deegaan iyo Gobolo matala,” ayuu mar kale yiri madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Ugu dambeyn, Dhamaan qaybaha kala duwan ee Adeegyada Bulshada ayuu Madaxweynahu xusay in wakhti badan la galin doono Ciyaarahuna ay bilaw u yihiin.

 

PUNTLAND POST