Laacibkii hore ee Kubadda Cagta George Weah oo loo doortay Madaxweynaha Liberia

Monrovia (PP) ─ George Weah oo ahaa cayaaryahan Afrikaan ah oo caan ka noqday Dunida ayaa loo doortay Madaxweynaha dalka Liberia, kaddib markii ay wareeggii u dambeeyay ku tartameen madaxeyne ku xigeenkii hore ee dalkaas, Joseph Boakai.

Weah ayaa bedeli doona madaxweynaha xilka ka dagaysa ee Ellen Johnson Sirleaf oo dalkaas xukumaysay muddo 12-sannadood ah, waxaana hor-yaalla hawl badan oo ay ka mid yihiin sidii dalkaas loo horumarin lahaa.

Ma ahan markii ugu horreysay oo George Weah uu u tartamo inuu dalkaas majaraha u qabto, balse doorashadi dhacday sannadkii 2005-tii ayaa waxaa ka adkaatay Sirleaf oo ay wareeggii labaad ku loolameen.

Taageerayaasha Weah ayaa dabaal-dagyo waaweyn ka billaabay Monrovia oo ah caasimadda Liberia si ay u muujiyaan guusha uu gaaray laacibkii hore ee Afrika, kana soo cayaaray horyaallo badan oo Yurub iyo calaamka ah.

Sidoo kale, Ololaha Xidiggii hore ee Kubadda Cagta Afrika ayaa waxa uu ku wajahnaa dhalinyarada, halka madaxweyne ku xigeenka xilka sii banaynaya Mr Boakai loo arkayay inuu yahay nin da’ ah oo waqtigiisii soo qaatay.

Dhanka kale, Doorashada George Weah ayaan dood ka marnayn maadaama madaxweyne ku xigeen uu usoo xushay Jewel Taylor, xaaskii hore ee dagaal ooge ahna madaxweynihii hore ee waddankaasi Charles Taylor, kaas oo haatan dambiyo dagaal xabsi ugu jira waddanka Britain.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha cusub ee Liberia oo 52-jir ah ayaa wuxuu la wareegay awoodda  waddan sannado uun ka baxay dagaallo sokeeye oo uu dhiig badan ku daatay, waxaana si weyn u taageersan bulshada intooda ugu da’da yar iyo cayaartoyda.

PUNTLAND POST