Xeer-ilaaliye ku xigeenkii Dalka oo shaqada looga eryay Arrin la xiriirta Kiis Dacwadeed


Muqdisho (PP) ─
Ku-xigeenkii Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Abuukar ayaa xilkii laga qaaday, iyadoo ay kasoo baxayaan warar kala duwan qaabka xilka looga qaaday.

Warar hoose ayaa sheegaya in Xeer-ilaaliye ku-xigeenka xilka looga qaaday wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo aanay weli warbaahintu helin wareegtada xilka looga qaaday Dr. Abuukar.

Sidoo kae, Warar ku dhaw Xeer-ilaaliye ku-xigeenka ayaa sheegaya in xil ka qaadistiisa ay la xiriirto kiiska C/raxmaan C/shakuur oo la sheegay inuu ka hor-yimid qaabka Xeer-ilaalinta ay u wajahday dacwadda lagu soo oogay iyo habkii loo maray xarigiisa.

Dhanka kale, Wararka ayaa sheegaya in xilka Xeer-ilaaliye ku-xigeenka loo magacaabay mas’uul kale oo magaciisa lagu soo koobay Muuse Macallin oo markii hore ka mid ahaa ku-xigeennada Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Hay’adaha garsoorka dalka ayaa isku khilaafsan kiiska C/raxmaan C/shakuur oo dib ay u furtay Maxkamada racfaanka, isla markaana soo saartay Warqad ay ku mudeysay dhageysiga Dacwadiisa, kaddib markii Xeer-ilaalinta ay sheegtay inay racfaan ka qaadatay.

Ugu dambeyn, Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa 21-kii bishan sii daysay C/raxmaan C/shakuur, kaddib markii Ciidamada Amniga ay 17-kii bishan ka soo xireen gurigiisa weerar ay ku qaadeen oo lagu dilay ilaaladiisa, waxaana qaraar ay soo saartay Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku diiday in wax racfaan laga qaato kaddib markii maxkamadu sheegtay inaan loo marin hab sharci ah.

PUNTLAND POST