Wasiirada Hirshabele oo la dhaariyay kaddib markii uu Baarlamaanku Meel-mariyay

Jowhar (PP) ─ Golaha Wasiirada Maamul-goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta la dhaariyay, kaddib markii ay isla maanta ansixiyeen xildhibaanada baarlamaanka, iyadoo madaxda Hirshabeelle ay soo dhaweeyeen ansixinta.

Wasiirrada Maamulka Hirshabeelle ayaa lagu hor-dhaariyay madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeenka, guddoonka baarlamaanka iyo xildhibaannada, iyagoo ku dhaartay inay si cadaalad ah ugu shaqyen doonaan bulshada ku nool deegaannadaas.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa soo dhaweeyay Ansixinta Golaha Wasiirrada, Waxaana uu uga mahad celiyay Baarlamaanka Qaabkii meel-marinta oo ka dhigeysa in golaha wasiirrada wixii hadda kaddib ay u howl-galana waajibaadkooda.

Sidoo kale, Madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare oo khudbad ka jeediyay Munaasabaddii lagu meel-marinayay Wasiirrada, ayaa ka hadlay arrimaha amniga iyo howlaha hor-yaala xukuumadda cusub ee maamulkiisa.

Dhanka kale, Waare ayaa sheegay in dhawaan la billaabi doono dhismaha Waddada isku-xirta Muqdisho iyo Jowhar, isla markaana uu socdo mashruuc lagu dhisayo garoonka diyaaradaha degmada Jowhar oo maamulka xarun u ah.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle wuxuu xusay inuu Maamulkiisa wax ka qaban doono amniga, isla markaana la isku furi doono waddooyinka xiriiriya deegaanada Hirshabeelle, waxaa uu soo dhoweeyay weerarada cirka ah ee ka dhanka ah Al-shabaab, taasoo uu tilmaamay inay si weyn u wiiqday awoodooda.

PUNTLAND POST