Wasiir Jamaal oo ka Hadlay Mashaariicda ay Dowladda Qatar ka Fulinayso Soomaaliya

Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Qorsheynta Somalia, Jamaal Maxamed Xasan oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay billaaban doonaan fulinta wajigii koowad ee mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar ay ka fulinayso Soomaaliya.

Wasiir Jamaal ayaa hadalkiisa ku daray in mashaariicdan ay kaalin muuqata ka qaadan doonaan dib u dhiska dalka, isagoo uga mahad-celiyay Dowladda Qatar sida u garab-taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

“Dowladda Qatar waxaan uga mahad-celinaynaa kaalmada ay mar walba la garab-taagan tahay shacabka iyo dowladda Somalia, runtiina mashaariicda ay Qatar ka fulinayso Somalia waa kuwo faa’iiido u leh Soomaalida oo dhan,” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta Somalia.

Mashaariicdan ayaa isugu jira dib u dhiska Waddada isku-xirta Muqdisho iyo Jowhar oo dhirirkeedu yahay 90-km, Waddada Muqdisho iyo Afgooye isku-xirta oo dhirirkeedu yahay 30-km iyo dhimsha xarumo kala duwan.

Xarumaha ay Dowladda Qatar dhisayso waxaa ka mid ah; Xarunta Xisbiga oo ku taalla agagaarka Garoonka kubadda cagta ee Muqdisho Stadium oo la filayo in markii dhismaheedu uu dhammaado ay ku shaqeyso Xukuumadda Federaalka Somalia.

Ugu dambeyn, Heshiiskan ayaa Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ay ku kala saxiixdeen Muqdisho 28-kii November, iyadoo la rajeynayo in hesiiskan uu qeyb ka qaato qorshaha qaran ee horumarinta dalka oo ay ka qeyb ka tahay dib u dhiska kaabayaasha dhaqaallaha iyo xoojinta dhaqaalle.

PUNTLAND POST