AKHRISO: Qoraal ay Xubno Mucaarad ah ugu digeen Madaxda Sare ee Dowladd Somalia


Muqdisho (PP) ─
Xubno isugu jira Xildhibaannadii la baxay Horu-socod ee hore u kala tagay iyo Xisbiyada Daljir, Wadajir iyo Kulan ayaa Qoraal ay soo saareen ku cambaareeyay weerarkii Guriga C/raxmaan C/shakuur Warsame ee dhacay bartamihii bishaan aynu ku jirno.

Mas’uuliyiintan ayaa Qoraalkooda uga digay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre inay Ciidanka qalabka Sida u adeegsadaan dilalka iyo argagixinta siyaasiyiinta, Waxayna digniin kale ka soo saareen in hay’adaha Garsoorka iyo Culimada loo adeegsado arrimo aar-goosi ah iyo kuwo siyaasadeed.

Dhanka kale, Xubnahan ayaa qoraalkoodan digniinga ah kusoo beegay xilli la filayo in dacwaddii loo haystay C/raxmaan C/shakuur oo horay loo qaadacay dib loo billaabo berri oo Arbaco, kaddib markii Xeer-ilaaliyaha Qaranka uu ka biyo diiday bari-yeeliddii Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

Haddaba, AKHRISO Qoraalka ay Xisbiyada iyo Xubnuhu soo Saareen;

PUNTLAND POST